Muqdisho(RBC Radio) Qaban qaabada shir weynaha qaran ee dib u eegista garsoorka dalka oo uu iclaamiyey madaxweynaah Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud ayaa saaka si weyn looga dareemayaa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxaana saaka wadooyinka qaar ee magaaalada Muqdisho lagu arkayaa ciidamo fara badan oo gaaf wareegaya wadooyinka magaalada Muqdisho.
Waxaana gabi ahaanba xiran wadada gashay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Hoteelka Jaziira ee kaasoo lagu wado in lagu qabto shir weynaha dib u habaynta garsoorka dalka,wufuuda ka qaybgalaya shirka ayaa kusii qulqulaya gudaha madasha lagu qabanyo shirka ee Hoteel Jaziira.
Shirka oo lagu gorfeynayo arimaha dib u eegista garsoorka dalka oo maalmihii danbe loo jeedinayey eedo ku saabsan inuusan gaarsiisneen heer garsoor la isku halayn karo,waxaana ka qayb galaya shirkaas sharci yaqaaano,la taliyaal sharci, booliska taliska booliska,Nabad sugida iyo culima udiinka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo ka hadlayey shirkaas ayaa sheegay in shirkaas ay dowladu uga gol leedahay sidii loo heli lahaa hay’ado garsoor oo dhan walba ka dhamaystiran kuwaas oo hanta shaqada garsoorka dalka oo ah mida ugu muhiimsan ee hay’adaha dowladaa,wuxuuna tilmaamay in shirkaas ay kasoo bixi doonaan go’aano cad cad oo dib loogu habaynayo habacsanaanta ka jirta hay’adaha garsoorka dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho