Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa daqiiqado ka hor kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee CAadan Cabdulle waftiga ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya.
Madaxweyanaha ayaa kasoo ambabaxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo u kulamo kula soo qaatay madaxda dalkaas oo ay soo kala saxiixdeen isagoona habeenkii xalay ahaa kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Dubai.
Madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa inuu daah furo shirka dib uy habaynta hay’adaha garsoorka dalka oo uu hore ugu dhawaaqay madaxweyne xasan Sh Max’uud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho