Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland ee ka imaan lahaa gobollada Sool iyo Cayn oo la saxiixay

$
0
0
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Taleex[RBC Radio]Waxaa la saxiixay xubnihii ka mid noqon lahaa xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland ee gobollada Sool iyo Cayn.

Ilaa 10-xildhibaan ayaa la sheegay in issimada gobolladaasi ay soo saxiixen kuwaaso qeyb ka noqon doonna tiro xildhibaano ah ee  laga sugayey gobollada.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah issimada waa wayn ee gobollada Sool iyo Cayn ayaa warbaahinta u sheegay  in uu saxiixay ilaa 10 Xildhibaan oo gobolladaas u meteli doono baarlamanka cusub ee Puntland.

“Waxaan soo saxiixay oo an soo gudbinaya 10-xildhibaan oo ka  iman doonna dadka aan isinka u ahay,waxaana rajeynaya inay dhawaan soo dhameystirmi doonan dhamaanba xildhibaanada la sugayo ee ka mid noqon doonna baarlamaanka cusub ee Puntland”ayuu yiri Garaad Saleebaan oo ka mid ah issimada soo jireenka ah ee gobollada Sool iyo Cayn.

Waxaa uu inta ku daray garaadku,mar wax laa waydiiyey  in issimada waa wayn ee gobolladaasi ay diideen inay xildhibaano u diraan Puntland, waxaana uu soo hadal qaaday  in uusan arrintaas waxba kala socon isla markaasna uu si buuxda u saxiixay mudanayaal meteli doono baarlamanka.

Garaad Saleebaan waxaa uu soo hadal qaaday   in loo baahan yahay xilligan in la dhowro jiritaanka iyo midnimada Puntland, isagoo ugu baaqay waxyaabaha la isku hayo in xal buuxa laga gaaro si looga fogaado bur bur  iyo amni xumo.

“Waxaa muhiim ah oo loo bahan yahay in  in la dhowro jiritaanka iyo midnimada Puntland,waxaana ku baaqaya in waxyaabaha la isku hayo in xal buuxa laga gaaro si looga fogaado bur bur  iyo amni xumo”ayuu ku daray hadalkiisa garaadka Saleebaan.

Hadalka garaadka waxaa uu ku soo aadaya xilli gobollada Sool iyo Cayn  weli laga sugayaa xildhibaanadii u meteli lahaa baarlamanka cusub ee Puntland,waxaana jirta in marar hore war ka soo baxay qar ka mid ah issimada gobollada ay ku cel celiyeen inan laga sugin xildhibaano ka mid noqda baarlamaanka Puntland.
_________
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Trending Articles