Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Puntland yaa bisayl siyaasaded gaarsiin karo. W/Q Muhannad C/qani Geelle ( M-Xaad)

$
0
0

Puntland yaa bisayl siyaasaded gaarsiin karo
Muhannad C/qani Geelle ( M-Xaad)
Email: Mohamedhaad@gmail.com
Deseembar 25 2013

maqaalPuntland oo ah Maamul Sannad ku dhow 16 sanno aas aasan ayaan ahaan mid aan siyaasadi ka dambeyn inta badan Yagleelkiisa , hase ahaatee ahaa mid dhaqan fakar heer sare leh ayna ku daaban yihiin sayaasiyin kooban fakareen.

Fikirka Dhaqanka waynaa ee ay fakareen waxaa lagu caano shubtay laguna badbaaday mudda dheer ee ay dhisnayd Maamulku , ayada oo Deeganada kale ee somalia inta badan ku jiraan Arimo Murugo ,Mugdi iyo Miisan la’aan .

Waxaana ay Puntland heshay isbadalo kala gadisan oo ay ku dooratay Hogaamiyayal soo hogaamiya waqtiyo kuwaas oo siyaasadoodu ahayn in ay gaarsiiyaan Hormar iyo tilaabo wanag ay badbaadadii loo dhisay ka run sheegaan .

Waxaa Heerka Maanta ay u Baahan tahay Bisayl siyaasi ah maadaama ay is badashay juwiyadii hore ee lagu soo hogaamiyey ayada oo ahayn badalku inta ka saraysa Unuunka ee ay tahay badel marxaladeed , kuna qotoma hami dhiifooni iyo farax ku beegi kara umada reer puntland ilaa ay helaan Dowlad dhexe oo ay isku halayn karaan.

Aan u soo laabtee Puntland Bisayl siyaasadeed yaa Gaarsin kara Maanta :

1-Madaxwayne aqoon u leh Nafta Bulshada , Bii’ada uu Maamulayo.

2-Madaxwayne leh khibrad xiriir iyo wada xaajood hiigsanayana halaka diiradu gaarto meel ka fog.

3-Madaxwayne isku wadi kara si siman Bulshada iyo beelaha Puntland ee burbur siyaasiya Galay.

4- Madaxwayne Khibradiisu ka sarayso wax barashu ee ay gaarsiisan tahay Khibrad shaqo .

5-Madaxwayne garanaya sharafta iyo meeqaamka Mujaahidiintii iyo madaxdi aas aastay Puntland.

6-Madaxwayne samayna Tallo galin Marjaca iyo wakiilada wax kasta ka kor awoodiisa .

7-Madaxwayne Arimaha soo foodsaara ila noqda Diinta sameeyana khuburo diin oo taqaana sharciga.

8-Madaxwayne dhaarta ka run sheegga xisaabtama laftiisu waxa uu musharaxnimadisa ku hadlay hirgalin leh.

9-Madaxwayne Maskaxdiisu ka sarayso Puntland maantaa ee u fakara Puntland mustaqbalka fog.

Ma ka badinayo intaas madaama ay intaas ku dheh laban yihiin cidii fahanta Murti waqti u baahan lehna dib u eegid joogta, aniga iyo idinkaba waxaan rajayn bulsha nabad alle iyo baraare somaliweyn, puntlandna sharaf .

Muhannad C/qani Geelle ( M-Xaad)

Email: Mohamedhaad@gmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Trending Articles