Garoowe[RBC Radio]Ilaalada musharraxinta u tartamaya xilka madaxweynanimo ee Puntland ayaa goor dhawed jirdil xooggan u geestay qar ka mid ah wariyaasha ka howlgalla magaalada caasumada ah ee Garoowe.
Wariyaasha ayaa handadaad kala kulmay ilaalada,waxaana qar kod loo geestay jirdil,waxaana xilligii ay arrintaan dhacaysan ay wariyaasha hawlo shaqo u joogeen guriga Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo uu shir uga socday musharaxinta.
Wariyaashu waxaa ay sheegen in hoyga musharraxa lugu balamiyey si ay u tabiyaan shir jaraa’id oo ay qaban lahaayeen musharrixin ku shir sanaa guriga Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi .
Ciidamada ilaalada u ah musharraxiinta ayaa jirdil xoogan ugaystay wariye Mahad Cabdi Cali oo ka mid ah wariyaasha ka howlgalla tv-ga Som Sat, waxaa kale oo lahandaday wariyayaal kale oo doonayey inay soo tabiyaan nuxurka shirka ay lahaayeen musharrixinta,kaaso ka socday guriga uu deganyahay musharax Maxamed Cabdinur Xirsi.
Wariyaasha ayaa isaga soo noqdey hoyga musharrax Maxamed Cabdinur Xirsi oo ah goobta lugu dhibaateyey wariyaasha.
Wali ma jirto cid ka hadashey dhibaatada ay la kulmeen wariyaasha,ilaa haddana wax war ah kama soo bixin musharrixinta ilaaladoda ay jirdileen wariyaasha.
Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Raxanreeb Online
______
RBC Radio