Garoowe (RBC RADIO) Mu’asasada Al-minhaaj ayaa Garowe ka bilowday Nadwo Diineed diiradda lagu saarayo sidii dadka loogu baraarujin lahaa wadada toosan ee alle loogu dhowaanayo iyo dowlad-nimadda,waxana lagu qabtay masaajidka Xaaji Cali-muhiimadda Nadwadda hoos ka akhriso ama ka dhagayso.
Waxaa ka bilaabatay caawa oo ay taariikhdu tahay 23/12/2013 masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe nadwo shantii sanaba mar ay qabato mu’asasada al minhaaj ee dacwada iyo horumarinta oo lagaga hadlo waxyaabaha la xiriira danta guud iyo dawladnimada.
furitaan:
ugu horayntii waxaa furay gudoomiyaha nadwada sh Mukhtaar Axmed Faarax oo si kooban uga hadlay nadwadan waxa ay tahay iyo ujeedka laga leeyayhay ,isaga oo sheegay in shantii sanaba mar la qabto loogana gol leeyahay in dadka qaybihisa kala duwan loogu iftiimiyo wxayaabaha la xiriira danta guud iyo dawald nimada ,iyada oo xoogga la saarayo sida ay qabto shareecada islaamka.
muxaadarada 1aad ee caawa ayaa ku saabsanayd ilaalinta alle(kontroolkiisa) waxaana soo jeediyay culimada kala ah:
1- Shiikh Axmed daahir Aw Xassan Xusseen
2- SHiikh C/Qani Qorane Maxamud.
muxaadarada ayaa waxaa ku horeeyay Sh Axmed Daahir waxa uuna qeexay SHIIKHU waxa loo la jeedo ilaalinta (kontoroolidda) alle: in qofku ogaado xaqiiqsadana in ilahay la socdo wax kasta oo uu samaynayo iyo xaalad kasta oo uu ku jiro hadii uu muujisto iyo haddii kale.
Shiikha ayaa soo guuriyay nusuus fara badan oo isugu jirta qur’aan iyo xadiis kuwaas oo ka hadlaya mawduuca muxaadarada dadkana aad ugu iftiiimiyay macnaha ay xambarsanyihin,isaga oo sidoo kale qaabab badan wax u tusaaleeyay taas oo aad u saamaysay daddkii dhagaysanayay.
waxay sheegeen culimadu xilliyada loogu baahida badanyahay muraaqabada alle in ay thay:
inta aadan tillaabo qaadin in aad garwaaqsato ilaalinta alle (intaadan falin ka fiirso).
marka aad kaligaa tahay oo aad isleedahay cid kuma arkayso.
marka aad joogto meesha aad ku awood badantahay oo aad isleedahay adaa ugu sareeya cid kula xisaabtamaysana maleh.
sidee ku noqon karnaa kuwo ku guulaysta ilaalinta alle:
waa in uu xasuustaa magacyada alle oo qofka dareensiinaya kontroolka alle iyo ilaalintiisa sida al raqiib iyo kuwa lamidah.
waa in qofku gaaraa heerka ixsanka oo ah in aad ilaahay u caabudid sidii isaga oo ku arkaya maadaama uu isagu ku arkayo .
in la badiyo xuska ilaahay iyo dikrigiisa ,kaasoo lagu gaaro faa idooyin badan oo ay ka mid tahay in qofku xusuusnaado ilaalinta alle.
Culimada ayaa ku soo gabagabeeyay dhibaatooyinka laga dhaxlayo hadii la hilmaamo ilaalinta alle isaga oo sheegay in ay arintaasi ka midtahay tilmaamaha munaafiqiinta, camalka oo kaa bura oo aan wax ajar ah laga helin kaana noqda hal bacaad lagu lisay,waxaa kugu marag furaya qiyaamaha dhulka iyo xubnaha .
Shiikh c/ qani qorane ayaa qaatay maxaadarada qaybteedii kale isaga oo ku tiiqtiiqsaday ahmiyadda uu leeyahay mawduucu ,soona bandhigay tusaalayaal fara badan oo ah sida ay u sharaxeen macnaha muraaqabada alle.
intaa ka dib shiiku waxa uu aad ugu dheeraaday faa idooyinka iyo miraha lagu gaarayo in aad ogsoontahay muraaqabada(kontroolka) alle kuwaas oo ay ka midtahay:
1- waa meesha qofku ku liibaanayo ama ku khasaaraayo.
2- waxaa ku kobca iimaanka alle.
3- waxay ka ilaalinaysaa maasida iyo in ilaahay lagu madax adaygo.
4- ilaahbaa ku ilaalinaya kuna dhaqaalaynaya .
5- waxaa ilaahay wanaajinayaa camalkaaga oo waxa uu noqonayaa mid suuban.
6- waxa uu noqonayaa qofku mid u calamal fala ilaahay dartiis kana fogaada is tustuska.
7- waxaa lagu gaaraa jannada alle oo ah hadfka ugu wayn ee qof kasta uu niyada ku hayo oo uu raadinayo.
Culimada ayaa ugu danbayntii talooyin wax ku ool ah usoo jeediyay dadka xilka haya iyo kuwa hadda u tartamaya iyaga oo u sheegay in loo baahan yahay in ay xasuusnaadaan in ilaahay u jeedo lana xisaabtamayo lagana rabo in ay ilaaliyaan maslaxaddda ummadda.
hadaba akhriste waxaa lagu soo koobi karaa warkaas oo dhan ama nuxurka muxaadarda sida culimadu sheegeen in ay tahay muraaqabada iyo ilaalinta alle : caabud ilaahay oo addoon u noqo sida adiga oo arkaya hadii aadan arkayn isaga ayaa ku arkaya.
Waxaa soo diyaariyay
Ururka (Alminhaaj)
________________
Baahin RBC RADIO