Muqdisho[RBC Radio]Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ku sugan wafti ka socda dowladda faderaalka Soomaaliya,kuwaaso gobolka u gaaray sidii loo qaboojin lahaa dagaallo u dhaxeeya labo beelod oo halkaasi wada degga.
Waftigaan waxaa hoggaaminaya ku-simaha wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi,waxaana ku waheliya safarkiisa xubno ka tirsan dowladda.
Waxaa la sheegay inay inta badan ku guulesten waftigaan qaboojinta dagaalladii ay dhiiga badan ku daaten ee u dhaxeeyey beelo gobolkaasi degga,sidoo kale shirar iyo kulo ayaa wali ka soconaya deegaannada ay ku sugan yihiin waftiga dowladda iyagoona la shiraya odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan bulshada ee ku nool halkaasi,waxaana la sheegay in shirarkaan looga goleeyahay dhameynta rabshadihii dhawaan dhex maray beelo walaala ah.
Wafdiga oo isugu jira Xildhibaano, odayaal, mas’uuliyiin ka socota maamulka gobolka Shabeelaha hoose, iyo sii xayaha xilka wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku dadaalaya sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyaadka dagaalamay oo is hor fadhiya islamarkaana xal waara looga gaari lahaa xiisadaasi oo dad badan ay ku naf waayeen islamarkaana dadka Soomaaliyeedna wadna qabad ku noqotay.
Waxaa la sheegay in wafdiga ku sugn deegaankaasi maanta qorshahoodu uu yahay sidii ay u booqanlahaayeen meela kale duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose oo ay qiimeyn doonaan xaaladda sida ay tahay,iyadoona dagaalladii dhawaan dhacay ay ku reeben gobolka saameeyn xooggan.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho