Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Ban Ki-moon oo codsadey in la labo jibbaaro ciidamada ku sugan dalka Koonfur Sudan

$
0
0
Ban Ki-moon

Ban Ki-moon

Jubba[RBC Radio]Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka in la labo jibbaaro ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Koonfur Sudan.

Ban Ki-moon ayaa sheegay in 5,500 askari loo diro Koofurta Sudan, kuwaasoo ku biira ciidamo xoogan oo gaaraya 7,000 askari oo halkaas jooga.

Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta uu u codeeyo qaraarka lagu dalbanayo in ciidamo dheeraad ah lagu geeyo Koofurta Sudan.

Salva Kiir

Salva Kiir

Dalka Koofur Sudan ayaa waxaa ka soconaya dagaallo u dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo Salva Kiir iyo mucaaradka, waxaana ku dhintay dad tiradoodu ka badan tahay 500 oo qof, kuwaas oo ay ku jiraan muwaaddiniin Soomaaliyeed.

Dhinaca kele Salva Kiir madaxweynaha Koonfurta Sudaan ayaa la sheegaya inuu oggolaaday in uu wada-hadall aan wax shuruud ah lagu xirin la bilaabo ninka ay iska soo horjeedaan ahna madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar.

War kaan waxaa caddyey ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u jooga dalka Koonfurta Sudan, Donald E. Booth,waxaana uu  sheegay in madaxweyne Salva Kiir uu ka oggolaaday in uu Riek Machar la bilaabo wada-hadal aysan wax shuroodo ahi ku xirneyn.

_____
RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Trending Articles