Muqdisho[RBC Radio]Xildhibaanada baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa lugu wada in maanta kulan ay isgu yimaadan ay ka doodaan mooshin ku saabsan badalida gudoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee barlaamaanka,iyagoona cod u qaadi doona.
Maxamed Cumar oo ka mid ah Xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya qeybna ka ah xog-heynada baarlamaanka ayaa sheegay in afar mudane oo ka hartay mudanayaal is qoray inay ka doodaan mooshinkaas ay maanta hadli doonaan, lana soo gaba gabeynayo dooda.
“Waa la soo gaba-gabeenaya dooda baarlamaanka afar mudane ayaana harsan iyaga ayaana codkooda la sugaya, kaddib waxaa la guda gali doonna cod u qaadista kalsoonida”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaadau Xildhibaan Maxamed Cumar,in aragti ay usoo jeediyeen xubno ka tirsan baarlamaanka in muddo sanad oo wareegto ah laga dhigo guddoomiyeyaasha gudi hoosaadyada Baarlamaanka, si loo dar dar geliyo howlaha Baarlamaanka iyo xeer hoosaadyadiisa.
Xildhibaanadu waxaa ay isla garteen intooda badan in cod qaadista ay hal mar tahay, isla markaana 15-ka gudoomiye aan mid mid codka loogu qaadeyn, balse si jamac ah loogu qaadayo.
Dooda baarlamaanka ee ku aadan guddiya ayaa imaanaysa xilli baarlamaanku uu lee yahay 15-guddi hoosad,waxaana ay shaqadooda tahay guddiyadu la xisaabtanka hay’addaha dowladda,iyadoona gudi walba uu si gaar ah ula xisaabtamayo in hay’ad walba uu wax ka ogaado shaqadeeda.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho