Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo dhanbaal hanbalyo ah ka helay dhiggiisa Turkiga

$
0
0
Cabdiweli Shiikh Axmed

Cabdiweli Shiikh Axmed

Muqdisho[RBC Radio]Raysul Wasaaraha dalka Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan ayaa dhanbaal hanbalyo ah u soo diray dhiggiisa dalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed, oo dhowaan loo magcaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanbaalkan hanbalyada ah ee uu Ra’iisul Wasaaraha Turkigu u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay rajaynayso in labada qaran ay sii xoojiyaan xiriirka walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan ee labada ummadood.

Mudane Ardugaan ayaa sidoo kale dhanbaalkiisa hanblayada ah ku sheegay in uu filayo in xukuumadda uu hoggaamin doono mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ay noqon doonto mid ku guuleysata hawlaha qaran ee loo igmaday iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba in ay noqoto mid beesha caalamka kala shaqaysa sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomalaiya.

Ugu damayntii waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay sii wadayso dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya, isagoo caddeeyey in ay ka go’an tahay in xilliyada soo socda ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
__
RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19854

Trending Articles