Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Rugta ganacsiga Puntland oo sagootisay masuuliyiin ka socday Rugta ganacsiga Soomaliya(Sawirro).

$
0
0

g.....

Garoowe (RBC RADIO) Gudomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Mudane siciid Xuseen ciid iyo Maamulka Rugta Ganacsiga u qaabilsan Gobolka Nugaal ayaa kulan sagootin ah waxay u qabteen Masuuliyiin ka socotay rugta ganacsiga Soomaliya kuwaasi oo qayb ka ahaa Wafdigii ka socday gobolka banaadir ee waday deeqdii Labada Boqol oo kun gaareesay oo ay ugu talagaleen in ay kaga qayb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ku cayroobay Duufaanadi ka dhacay Puntland, waxaana kulankaasi kasoo qayb galay qaar ka mid ah Ganacsatada waawayn ee Puntland

g,,,,

Mudane Siciid Xuseen Ciid Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo hadalka ku horeeyey wuxuu sheegay in Kulankani uu ahaa is xog waraysi iyo kala war qaadasho waxaana ku lamaannaa buu yiri sagootin aan u samaynayno Walaaleheen ka socda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee la socday Wafdigii ka socday Gobolka Banaadir ee waday lacagta gurmad ka ah ee Banaadir laga soo Aruuriyay.

g

“ waxaan doonayaa in aan uga mahadceliyo Walaalaha ka yimi Gobolka banaadir ee isugu jira Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga Soomaliya Gurmadkii ay la yimaadaan Puntland oo ay ugu talagaleen in ay dhibaatadii ku dhacday walaalohood ugu boogo dhayaan waana talaabo kudayasho mudan, kulankeenu waa mid sii siyadinaya Xiriirka u dhexeeya Ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana muhiim ah In Ganacsatada Soomaalida ay isku xirmaan wadatashadaan danta qarankana ka wada shaqeeyaan ayuu yiri gudoomiyuhu.

g.

Mudane Maxamuud Cismaan Maxamuud (Taako) oo ah Ku xigeenka gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya ahna gudoomiyaha qaybta Warshadaha oo hadalka lagu soo dhaweeyey ayaa dhankiisa sheegay in uu ka mahadcelinayo sida diiran ee loogu soo dhaweeyey Puntland iyo qiimeynta loo muujiyay lana geeyey Goobo badan oo ka mid ah meelihi ay mashaqadu ka dhacday, wuxuu shacabka Puntland Maamulka iyo ganacsatadaba ku tilmaamay dad nabada Jecel wada shaqaynna ay ka dhaxeyso.

DSC05665

“waxaan halkan ka sheegayaa in ganacsiga Soomaliya uusan xuduud lahayn dadka ganacsatadana ay wada shaqeeyaan iska warhayaan wax wada qabsadaan ayna halkaasi kasii wadi doonaan hawshooda, waxaan kaloo rabaa inaan halkan ka sheego in wax yaabihi ugu waynaa ee ley weydiiyay ay ahayd intan Puntland Deegaanadeeda kusoo wareegayay arimaha Dhulka iyo guryaha Xamar ku yaal ee la haysto sida laga yeelayo fariintaasi waxaan gaarsiinaynaa Maamulka Gobolka Horay ayaana Go’aan looga qaatay arimahaasi xataa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaalya ayaa ii  yimid oo igu yiri guryo ayaa nalaga haystaa marka mushaakilku meel walba wuu saameeyey ayuu yiri Mudane Taako.

DSC05679

Qaar ka mid ah gancsatada Puntland oo ay kamid yihiin Bashiir C/laahi saalax,Cismaan Shire Quud,Bashiir Xaaji Ibraahim,Bashiir Maxamed Faarax,Jaamac Salaad ,Mire Xaaji iyo Wakiilka Rugta Ganacsiga Puntland ee Gobolka Nugaal Mudane Maxamuud Axmed faarax yaa kulanka xaadi ahaa oo ka qayb galay.

DSC05689

Cismaan shire Quud iyo Bashiir Xaaji Ibraahim  oo ku hadlay Magaca ganacsatada Puntland  waxay sheegeen in ay soo dhawayn marxabo iyo walaalinimo aan dhamaad lahayn u hayaan Ganacsatada kale ee Dalka ayna wadashayn toos ah ay wada leeyihiin ganacsiguna uu si wadajir ah uga socdo Gobolada Dalka ayna soo dhawaynayaan in ay Casumaad ka helaan Gobolka banaadir ayna aadi doonaan Ganacsiga Dalkana kor si wada jir ah loogu qaadi doono.

DSC05685

Xiriiriyaha Rugta Ganacsiga Puntland Jaamac Salaad oo kulanka soo gunaanaday wuxuu sheegay Lacagti ugu dambeysay oo laga keenay banaadir in culimadu ay ku iibiyeen 3kun oo Neef loona qaybindoono dadkii dhibaatadu soo gaartay, wuxuu kaloo Jaamac Tilmaamay in Ganacsatadu  ay ka shaqaynayaan dib u dhiska dalka iyo Kobcinta kaabayaasha dhaqaale  oo ah meesha ay iminka Soomaliya ka liidato.

DSC05695

Maamulka Rugta ganacsiga ee Puntland iyo Kan Soomaaliya oo wadajir ah waxay ugu Dambayn isla meel dhigeen in laga wada qayb qaato ka hortaga waxyaabaha dib u dhigaya ganacsiga Soomaliya Ganacsataduna kaalin mug wayn ka ciyaaraan arimaha dib u heshiisiinta iyo isu soo celinta Umada Soomaaliyeed, ugu dambayn Kulankii Dhexmaray Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo kan Puntland ayaa usoo dhamaaday Jawi Wanaagsan iyo isa sagootin Saafi ah.

Waxaa diyaariyay

Xafiiska Rugta ganacsiga

Ee Gobolka Nugaal.

_________________

Baahin RBC RADIO

Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Trending Articles