Baydhabo[RBC Radio]Guddoomiyiihii hore ee baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa markale ku celiyey inan loo dhameyn shirka ka socda magaalada Baydhabo ee lugu doonayo in maamul goboleed loogu dhiso gobollada Koonfur galbeed Soomaliya.
Shariif Xassan Sheekh Aadan,waxaa uu xaqiijiyey in dadka degga gobollada xilligaan la sheegayo in maamul loogu sameeyo saddex gobol oo ka mid ah ay leeyihiin maamul ay dowladdu aqoon san tahay,waxaana uu inta ku daray in wali aan loo dhamayn shirkaasi dowaladda aysan wali wafti usoo dirin oo aysan ogalaan.
“Arrinta Baydhabo ka socota Odayaasha dhaqanka ee beelaha koonfured ayaa shir wada,waxana uu shirku yahay mid wada tashin ah,waxaa jira in gobollada xilligaan la sheegayo in maamulka ay qeyb ka noqdaan inay leeyihiin maamul uu dowladda iyo caalamkuba ogalyihiin,waxaana muuqata inan loo dhameyn shirka oo ay maqanyihiin dadbadan oo talo ku lahaa,inkato ay jiraan in Odayaal badan ay xilligaan joogan,arrinta kale waxaa ay tahay in dowladda aysan wali shirkaan ka soo qeyb galin,haddii ay dowladda maqantahayna wax suuragalaya maleh”ayuu yiri Shariif Xassan.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Shariif Xassan,inay muhiim tahay in maamulka loo daayo gobollada Jubbooyinka oo xilligaan ku mideysan maamulka Jubba,waxana uu inta ku daray in gobollada Shabeellaha hoose,Baay iyo Bakool iyana ay muhiim tahay inay dhistaan maamul.
“Waa muhiim in la ogaado maamulka Jubba oo ah maamul ay aqoonsantahay dowladda iyo caalamka,sidaa darted maamulka ha noqdo saddex gobol Shabeellaha hoose,Baay iyo Bakool”ayuu yiri Shariif Xassan.
Shariif Xassan,waxaa uu ka mid yahay siyaasiyinta ku lugta leh maamulka loo dhisayo gobollada Koonfur galbeed Soomaliya islamarkaana kasoo horjeeda in lixda gobol hal maamul loo sameeyo.
Hadlka Shariif Xassan waxaa uu ku soo aadaya xilli wali qar ka mid ah siyaasiyinta ku lugta la hel shirka Baydhabo ka socda ay ku dhaga adeegayaan in lix gobol maamul loogu sameeyn doono shirka.
_____
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo