Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Wafti uu hoggaaminayo Jen. Cadde oo Garoowe gaaray

$
0
0
Jen. Cadde Muuse Xirsi

Jen. Cadde Muuse Xirsi

Garoowe[RBC Radio]Magaalada caasumada ah ee Garoowe waxaa gaaray wafti uu hor-kacayo madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi waxana socdaalka ku waheli xubno ka tirsan issimada Puntland.

Waftiga uu hoggaaminayo Jen. Cadde,waxaa ay ka soo kicitimeen magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,sidoo kale Burhaan Muuse Boqor ayaa isna la sheegay inuu Garoowe gaaray,waxaana horrey Garoowe ugu sugna inta badan issimada Puntland kuwaaso shirar ku leh caasumada.

Wali saxaafada lama uusan hadlin Jen. Cadde,balse qorshayaasha uu usoo gaaray Garoowe waxaa lugu sheegaya inuu qeyb ka noqon doonno dadaallada ka socad Garoowe ee lugu doonayo in xal laga gaaro khilafka ka dhex taagan musharrixinta madaxweynanimo ee Puntaland oo uu ka mid yahay madaxweynaha talada haya ee DR Faroole.

Burhaan Muuse Boqor oo isna Garoowe gaaray

Burhaan Muuse Boqor oo isna Garoowe gaaray

Si kastab waxaa Garoowe ku qul qulaya waftiyo kala gadisan kuwaaso ubadan issimada ugu cansan Puntland iyo siyaasiyin xilal horey ugu soo qabtay Puntland,waxaana dhamaantod ay Garoowe u gaarayan sidii ay xal ugu raadin lahaayeen khilafka jira ee la isku diidan yahay guddiyada xilligaan madaxweyne Faroole magacaabay oo ay diidanyihiin musharrixintu.

Maalmo ayaa ka dhiman xilliga loo balansan yahay inay qabsoonto doorashada madaxweynanimo ee Puntland,taaso lugu wado inay Garoowe ka dhacdo 8-da bisha soo socota ee January,ee sannadka ina soo aadan.

Dhinaca kale wali lama soo magacaabin xubnaha ka mid noqon doonna xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Puntland kuwaaso iyaguna soo dooran doonna madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wixii war ah ee ku soo kordha socdaalka uu Garoowe ku tagay Jen. Cadde kala soco Raxanreeb Online
_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Trending Articles