Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Muqdisho oo laga furay xarun laga qaadanayo Warqadda dhallashada Muwaadinka Soomaaliya[Sawirro]

$
0
0
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Muqdisho[RBC Radio]Magaalada caasumada ah ee Muqdisho waxaa maanta markii ugu horreysay laga furay xarun cusub oo laga qaadan doonno Warqadda dhallashada muwaadinka Soomaaliya.

Xaruntaan cusub waxaa la doonaya in dhamaanba dadka ku nool magaalada Muqdisho ay ka qaatan Warqadda dhallashada ,kuwaaso caddeynaya ruuxa wata inuu yahay muwaadin Soomaali ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”ayaa xarig jawar xarunta laga qaadanyo waraaqaha dhalashada.

Munaasabad la xiriirtay furitaanka xaruntaan waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, ayaa waxaa soo xaadiray mas’uuliyin kala gadisan oo u badnaa maamulka gobolka Banaadir,waxaana qeyb ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, afhayeenka gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada dowladda Hoose ee Xamar iyo xubno gobolka Banaadir ka Tirsan.

Dahfurkii munaasabadan waxaa hadalka hor qaatay guddoomiyaha degmada Shangaani Cali Cumar Abuurkar (Cali Xamari)waxaana hadal uu jeediyey uu ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta munaasibadda ka soo qeyb-gashay, isagoo ugu hambalyeeyey shacabka gobolka Banaadir, hirgalinta Waaxda dad Dhisgista oo aad ku noqoneysa Muwaadin caddeynaya in uu yahay Soomaali.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,ayaa isna dhankiisa waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabka lagu heli karo Warqadda dhallashada Muwaadinnimada.

Sidoo Kale gudddoomiye Tarsan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya xafiiska Waaxda dad dhigista dowladda Hoose ay dhammaantood yihiin Dhallinyaro lagu soo xushay aqoon iyo Tayo, waxa uu hey’adaha kale ee dowladda kula taliyey in ay tallaabadaasi oo kale qaadaan, si dhallinyarada aqoonyahannada ah uga faa’ideystaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii xusay in tallaabo walba oo qofka Soomaaliga ah ku doonayo in uu ku sameysto Danihiisa gaarka ah laga doonayo Warqadda dhallashada Soomaaliga.

Xaruntaan cusub ee la furay maanta waxaa ay imaanaysa xilli hadal uu shalay jeediyey madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyed ay qaatay waraaqaha caddeynaya muwaadanimadiisa Soomaaliyed.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

___
RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Trending Articles