Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

AMISOM oo ka hadashey shil uu galay mid ka mid ah gawaaridooda

$
0
0
AMISOM oo ka hadashey shil uu galay gaari ay lahaayeen

AMISOM oo ka hadashey shil uu galay gaari ay lahaayeen

Muqdisho[RBC Radio]War-qoraal ah oo ka soo baxay Danjiraha ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Saalax Annadifi,ayaa lugu faah-faahiyey shil uu galay mid ka mid ah gawaarida ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu shilka galay xilli uu marayey agagaarka Bangiga dhexe ee magaalada Muqdisho saddex cisho ka hor,waxana khasaare ka soo gartay shilkaan labo ruux oo Soomaali ah,kuwaaso geeryooded.

Maxamed Saalax Annadifi Danjiraha ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,ayaa qoraalka ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lugu sheegay inuu xanuunka la wadaagayo ehelada 2 ruux oo Soomaali ah oo ku geeriyooday shilkaas sida uu yiri.

Danjire Maxamed Saalix Annadifi waxaa uu sheegay in 20 kii bishaan December uu gaari nooca ciidamada ah uu agagaarka Bangiga dhexe uu ku jiiray mooto ay saarnaayeen 2 ruux kuwaasoo isla goobta ku geeriyooday waxaana uu tacsi u diray ehelada labadaas ruux.

Sidoo kale qoraalka waxaa lugu sheegay in ciidamada AMISOM ay wadaan baaritano la xiriira sida uu shilka u dhacay,iyadoona su’aallo la waydiinayo dad goob joog u ahaa markuu shilka dhacayay,waxaana sidoo kale qoraalka lugu xaqiijiyey in taliska AMISOM tilaabo qaadi dooni marka baaristu soo dhamaato.

“Aad baan uga naxsanahay shilkaas xumaa runtii qalbigeenu waxaa uu la jiraa ehelada marxuumiinta geeriyootay AMISOM,na raali galin ayay ka bixinaysaa” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka uu soo saaray danjire Maxamed Saalix Annadifi waxaana uu intaa ku daray inay la shaqaynayaan taliska ciidamada illaalada wadooyinka ee Trificada Soomaaliya si kiiskaan looga gun gaaro.

____
RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19831

Trending Articles