Muqdisho[RBC Radio]Raysul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamuud ayaa dhanbaal hambalyo ah ka helay dhiggiiisa dalka Ethiopia mudane Hailemariam Desalegn, waxana warqadda hanbalyada ah ku aaddan tahay magacaabistiisa iyo ansixintiisa ee xilka Ra’iisul Wasaarenimada Soomaaliya.
Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dowlada iyo kan shacabka Ethiopia, ayuu Ra’iisul Wasaare Heilemariam ugu hambalyeeyey dhiggiisa Soomaaliya xilka loo magacaabay, isagoona u rajeeyey in uu ku guulaysto howlaha ballaaran ee horyaalla. Mudane Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu filayo in hoggaanka mudane Cabdiweli Sheekh Axmed uu sii xoojin doono xariirka saxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho