Garoowe (RBC RADIO) Musharax C/daahir yuusuf Maxamed yeey oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa sheegay in ciidan kuwa amniga ah ay rasaas huwiyeen Gawaari uu watay xili uu kasoo baxay Shir ay Garoowe ku lahaayeen Musharaxiinta Puntland oo uu isagana ka mid ahaa, wuxuu sheegay in gaarigiisa Xabada lagu soo riday uu ku dhaawacmay Darawalkii gaariga waday kadib markii Muraayadihii firdhadka ahaa ay ku dheceen darawalka balse ay Xabadu hareer martay, Mr yeey wuxuu sheegay in ciidanka Madaxtooyada iyo dad uu gaar u tuhmayo ay weerarkan ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay ayna arimahaasi shirar kala duwna ka leeyihiin laamaha Amniga.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Cumar C/laahi Maxamed (faraweyne) ayaa Saxaafada u sheegay in aysan jirin wax weerar toos ah oo lagu qaaday Musharax Cabdidaahir balse gaariga Musharaxa oo qafilan uu ku soconayay Xawli sare iyadoo aysan ku dhaganayn Sawirka Musharaxa ama Astaan lagu garto ciidankuna ay ka shakiyeen halxabona ay ku fakatay oo si kadis ah uu arintaasi ku sameeyey Askari ka mid ah ciidanka nabadsugida hadana Musharaxa gurigiisa loogu tagay lagana raaligeliyay dhacdadii kadiska ku dhacday aysanna ahayn wax ku talagal ah wuxuuna meesha ka saaray sida musharaxu saxaafada u sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid siyaasadeysan.
sidoo kale hoyga uu Magaalada ka dagan yahay Musharax Yeey ayaa Maanta dhacdadii dhacday kadib waxaa tagay taliyaha ciidanka Darwiishta Taliyaha Ciidanka Booliiska taliyaha Ciidanka Sirdoonka iyo taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal iyagoo kulan albaabada ay u xiran yihiin la yeeshay Musharaxa si ay uga qanciyaan dhacdadii koobnayd ee dhacday taasi oo aan loo baahnayn in la buun buuniyo marka la eego xaalada siyaasadeed oo ay iminka Puntland dhex maquuranayso.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.