Ha Nagu Soo Celin Wasiirki Arrimaha Gudaha ee Dowladi Saacid oo Hawshaada Yeynan Noqon “Jug Jug Meesheedi Ha Joogto”.
Abdallah Moallim Maxamud
Moallem10@hotmail.com
Diseembar 23 2013
Fariiin ku socoto.Mudane Cabdiweli Shikh Axmed Ra’iisal Wasaaraha dalka Soomaaliya.
U hambalyeyn iyo soo dhaweyn keddib ,Mudane Cabdiweli Shikh Axmed Aruug Arrintiisa loogama roono ,waxaasa jiro arrimo aan la isku khilaafsaneyn, waana kolki uu ruuxa Beni’aadamkaa la yimaado ilaalinta Haybadiisa in ay ka dhigan-tahay isaga oo la yimid dhawritaanka heybada guud ee ummaddiisa ,waxaa kale oo ay Soomalida Tiraa “War la uunba uunbeeyo ,Weykac ayaa ka roon” oo aan uga jeeedo in dowladi kaa horeysay in badan loogu baaqayay in ay wax ka bedasho qaabka ay u maareyso arrimaha Amniga ee dalka ,ugu dambeyna waa kaa Madaxweynihi soo doortay wasiirka koowaad ee dowladaas iyo dawldaiisa uu ku dhawaaqay in dowladi uu Saacid horkacayay ku fashilantay hawlhi loo igmaday xoogooda ama intooda badan.
War iyo dhamaantiis ,xilka aad dhabarka u dhigatay xumaanti ka timaado adiga oo kaliya ayaa mas’uuliyadeeda dhabrka u dhigan doono ,khasaarahana waa u wada siman nahay mudane Ra’iisal wasaare Cabdiweli Shikh Axmed, Mudane Ummadda intooda caqliga u saaxibka ah,aadna uga dheragsan xaalada murugsan ee waddankeena iyo dadkeena soo mareen iyo tan haddeer lagu jiro oo iyada naf’ahaanteeda culays weyn ka jiro meela badan wallow xaalada ay aad uga duwan tahay xaaladihi uu qaar soo maray dalkaan,haddana waxaa nagu waajib ah ,in aan farta isugu fiiqno arrimaha qaar ,iyada oo aynan tan macnaheeda ahayn in aad wax badan ka ogeyn sida wax u socdeen sanadki ay jirtay dowladda uu horkacayay Mudane Cabdi Farax Shirdoon,sidoo kale far ku fiiqidan nagama ahan mid lagu maagayo si shakhsiya ruux Soomaali ah ee arrinta waa uun ka hadlida sida loogu kala haboon yahay wax ka qabadka hawlaha qaarkood.
Mudane Ra’iisal wasaare waxaan shaki ku jirin ,horayna aan ugu sheegnay dowladi Saacid in ay aad uga gaabisay meel marinta arrin fadhi u ah xal u helida arrimaha Somalida oo dhan taas oo ah soo celinta nabada dalka guud ahaan iyo adkeynta amniga, tanna waxay fadhi u ahayd lixdi qodob ee madaxweynaha dalka ka dhawaajiyay kolki la doortay ,adigana aad shalay balan qaaday in aad xukuumadaada fadhi uga dhigeyso. Haddaba kolkaan u dhaadhacno gunta qoraalkan waa in aadan dib noogu soo celin wasiirki hore ee arrimaha gudaha ee dowladi Saacid,dhinaca kalana waxaan kaa codsaneynaa kolki aad soo dhisto dowladaada in aad dib u habeyn balaaran ku sameyso hay’adaha amniga oo ay ugu horeeyaan taliska Booliska ,taliska nabad sugida,taliska ciidanka Asluubta iyo taliska xooga dalka Soomaliyeed oo iyaga dowr weyn ku lahaa fashilki ku yimid xukuumadi uu horkacayay mudane Saacid.
Sidoo kale waxaan kaa codsaneynaa in aad dib dambe hawl culus ugu dhiibin wasiiro si uga madax-banaanaa taladi dowladi Saacid iyagana iskood isu maamulayay ama ku xirnaa meel ka madaxbanaan xafiiska ra’iisal wasaarahooda,isla markaasna si cad oo muuqato dowr weyn ugu lahaa fashilka ku yimid xukuumadiisa ,wasiiradaas waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha madaxtooyada ,wasiira dowlaha arrimaha dibada. Mudane dowlad kasto guusheeda waxaa fadhi u ah wada tashi iyo wada shaqeyn balaaran oo u dhaxeyso xafiiska wasiirka koowaad iyo wasiirada kale dhaxdooda guud ahaan iyo gaar ahaan xiriirka ka dhaxeeyo ra’iisal wasaaraha dalka iyo wasiirada golahiisa. Tan waa talo waana khaldanaan kartaa laakin ogow Somalida waxay tiara “kor dadeed waa wada indho ama waa wada caqli”, dhinaca kalana Somalida waxay tiara “Talo adigaa ku nool ee iyada kuuguma noolo”.
Mudane waxaan kuu rajeyneynaa guul iyo in aad shaqadaada fadhi uga dhigto dhegaysiga dadka Somalida ee jecel in dalkaan mar kale dib ula soo noqdo haybadi uu ku dhax lahaa aduunweynaha.waxaa kale oo aan si gaar ah kaaga codsaneynaa in aad ku dhaqaaqdo dib u habeyn xoogan oo aad ku sameyso ,hay’adaha amniga ,garsoorka iyo ku dhaqaaqdida dhisida hay’ada Hanti-dhawrka guud iyo dabagalka ku dhaqanka musuqmaasuqa iyo nin tooxsiga.
Abdallah Moallim Maxamud
————————–
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM