Garoowe( RBC RADIO) Daahir Xaaji Khaliif oo hada ah Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta Dowladda hada talada haysa ee Puntland ayaa maanta Xaflad weyn oo uu ku muujinayo in uu u taagan yahay xilka Madaxweyne ku xigeenka ee Puntland ayaa sheegay in Gobolada uu isaga ka dhashay ee Sool iyo cayn uu ka xalin doono Nacaybka looga Abuuray Puntland isagoo tilmaamay in haweenka iyo Caruurta qaarkood ay dhagxeeyaan hadii wafdi kasocda Puntland ay goboladaasi gaaraan, isagoo hosta ka xariiqay in uu soo celin doono kalsoonida Goboladaasi hadii xilka Madaxweyne ku xigeenka loo dhiibo.
Wasiirku wuxuu sheegay in uu ka mid ahaa ragii dhisay Puntland 1998 uuna ka mid ahaa ragii xaadirka ahaa markii heshiiska lakala saxiixanayay halganka dheerna usoo maray in xal waara la gaaro Puntlandna ay noqoto Hoyga umada soomaaliyeed, wuxuu sheegay hada Puntland in ay qaangaartay oo jirsatay 15sano lana gaaray waqtigii uu isu sharxi lahaa qayb ka mid ah hogaaminteeda si looga gudbo marxalada adag iyo hadal haynta la xiriirta in Gobolo qaar ay Puntland ka madax banaanaadeen.
Musharaxan ayaa ah nin Rug-cadaa ah lana soo shaqeeyey dowladii dhexe ee Dalka Soomaliya sidoo kale wuxuu soo ahaa Xildhibaan Xiligii Ay dalka ka talinaysay Xukuumadii C/Qaasim Salaad Xasan, hadana wuxuu yahay Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta iyadoo Wasaaradaasi inta uu joogay ay talaabooyin hormarineed qaaday.
Xaflada Musharaxa oo ay kasoo qayb galeen Wasiiro badan iyo marti sharaf kale ayaa qudbadihi laga soo jeediyay waxaa lagu muujiyay sida loo taageersan yahay musharaxan iyo xirfada gaar ahaaneed ee uu leeyahay taasoo sababi karta in 2014ka uu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.