Muqdisho[RBC Radio]Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa maanta shir ay Muqdisho ku yeeshen waxaa ay ku meelmariyay ka mid noqoshada baratakoolka laxiiriira golaha nabadgelayada iyo ammaanka Midowga afrika.
Shirka ay yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya waxaa shir guddoomiye ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, iyadoo kulankii maanta ay soo xaadirtay 147 mudane, iyadoo ajandaha uu ahaa qoraal shalay mudanaasha loo qeybiyay oo ku saabsanaa anxisixinta baratakoolka laxiiriira ka mid noqoshada aas aasiga golaha nabadgelayada iyo ammaanka Midowga Afrika.
Xilligii uu dahfurmay shirka ay lahaayeen baarlamaanka waxaa la gudda galay ajandihii ay ka doodayeen,waxana intaasi kaddib xildhibaannadu ay fikiro ka dhibteen kamid noqoshada aas aasiga golaha nabadgelyada iyo ammaanka ee Midowga Afrika, waxaana Xildhibaannu ay intooda badan soo jeediyay in arrintaan la meer mariyo.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, ayaa xilligii ay baarlamaanka ka soo dhamaatay ka hadalka arrinta ay ka doodayen,waxaa uu sharay wax yaallaha xilligan Soomaaliya ay ka faa’idieyso ka mid noqoshada baratakoolkan iyo anxisixintiisa u leeyahay Soomaaliya, oo ah in golaha ay Soomaaliya ku yeelato xubno go’aan walba oo la gaaraya ay qeyb ka noqdaan.
Intaad kaddib xildhibaanada baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah u qaaday, iyagoo si wada jir ah u meelmariyay ansixinta baratakoolkan.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa warbaahinta qaranka u faah faahiyay faa’iida ay baratakoolkan la xiriira ka mid noqoshada aas aasiga golaha nabadgelyada iyo ammaanka ee Midowga Afrika u leedahay Soomaaliya ee ay baarlamaanku ansixiyeen.
“Soomaaliya tan guul ayay u tahay, waayo waxa ay noo sahleysaa in aan talooyin iyo fikiro ku yeelano go’aankasta oo ay goluhu ka soo saarayaan arrimaha nabadgelyada Afrika” ayuu Xildhibaanku hadalkiisa ku daray.
Waxaa la sheegay in arrintaan ay ka dhigayso in awood buuxda ay Soomaaliya u yeelato wax ka ogaanshiyaha go’aankasta oo la xiriira arrimaha nabadgelyada Qaaradda Afrika.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho