Muqdisho[RBC Radio]Dibadbax looga soo horjeedo dilkii dhowaan duleedka magaalada Muqdisho loogu geystay dhaqaatiir u dhashay dalka Syria ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.
Banaan baxa ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey boqollaal arday ah iyo dadweyne caadi ah,waxaana lugu sheegay in dibadbaxa lugu muujinayeen sida ay uga caraysan yihiin dilka dhaqaatiirta iyo shaqaalaha gargaarka ee aan dalka u dhalan.
Waxaa isku soo dubariday bibadbaxa waxaa qaar ka tirsan mas’uuliyiinta jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho,kuwaaso sheegay inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyed ay muujiyan sida ay ugu xunyihiin dhibaatadi Muqdisho loogu geestay dhaqaatirti caawinada u jogtay.
Dibadbaxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay caddaaladda hor keento gacan ku dhiiglayaashii geystay dilka.
Dhamaanba dhinacyadii ka qeyb qaadatay banaan baxa ayaa waxaa ay o kasoo lugeeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,waxana ay soo mareen waddada KM4 iyaga oo lug ku yimid madaxtooyada Soomaaliya horteeda.
Qaar ka tirsan dadkii ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay inaanay ahayn markii ugu horreysay oo dhaqaatiir iyo samafaleyaal lagu dilo dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale dibadbaxayasha ayaa la hakiyey xilli ay wadeen socodkoodi lugta ahaa,waxana hor-istaagay sii socoshada banaan baxa ciidamada Booliska.
Ciidan Booliska ee joojiyey banaan baxayaasha ayaa ahaa kuwo ka yimid degmada Hodan, waxana ay dibadbaxayaasha ku wargaliyeen inay joojiyan,iyagoona xilliga la joojiyey dibadbaxayaasha marayey agagaarka xarunta madaxtooyada.
Maxamed Daahir oo ah taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay inaanay banaan baxayaasha ku soo wargelin hay’adaha ammaanka, taasina ay keentay in ay is hortaag ku sameeyaan.
Taliyaha, ayaa qaybaha bulshada ee reer Muqdisho kula taliyay, si ammaanka loo suggo, looga baahan yahay in ay xiriir la soo sameeyaan hay’adaha amniga qaabilsan, haddii ay banaanbaxyo qaban qaabinayaan.
Waxaa ay arrintan ku soo aadaysa xilli inta badan shacabka Muqdisho ay sheegen inay ka xunyihiin dilkii loo gestay dhaqaatirti Syria u dhashey ee ka howlgali jiray isbitaalka Fiqi.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho