Muqdisho[RBC Radio]Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayaa codsi ugu diray raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed inaysan waqti dheer ku qaadan soo magacaabista gollaha wasiiradda cusub ee xukuumadisa.
Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,guddoomiyaha gollaha wakiilada Soomaaliya waxaa uu si cadd ugu sheegay rasul wasaaraha ay baarlamaanku meel mariyeen in xukuumadisa cusub uu soo magacaabo ka hor 10-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub, xilligaasoo uu baarlamaanka galayo fasaxa kalfadhiga saddexad.
“Waxaan ka codsanayna raysul wasaaraha Soomaaliya in xukuumadisa uu ku soo dhiso waqti dhow,ka hor inta aysan xildhibaaadu galin fasaxa saddexad’ayuu yiri guddoomiye Jawaari.
Jawaari waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday in sidoo kale sugayaan in la horkeeno Baarlamaanka miisaaniyada sanadka 2014, si loo meel mariyo, ugana doodaan maalmaha soo socda.
Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, xilli uu la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumadisa ay ka ballaaran doonto ti isaga ka horeysay,waxana hadalkaasi uu surta galinaya in waqti dheer ay qaadato soo magacaabista xukuumada cusub,inkasto xilligaan raysul wasaaraha uu sheegay in latashi uu wado.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho