Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Musharax Cabdiqasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne) oo Baaq u direy musharaxiinta Puntland

$
0
0

Musharax Cabdiqasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne)Garowe RBC : Musharaxa u taagnaa maxadweyne ku-xigeenka Puntland mudane Cabdiqasim Mohamed Xassan ayaa baaq u diraya dhamaan musharaxiinta u taagan madaxtinimada Puntland ee dhaceysa 08 Jan 2014.

Baaqan uu soo saarey mudane Cabdiqasim –dhagaweyne ayaa ku aadey ayadoo uu muran khilaafaad keenay uu ka taagnaa Madaxweynaha xilka haya iyo musharixiinta kaas oo ahaa xulidda Guddiga xalinta khilaafaadka kuwaas oo shaqadoodu tahay soo xulidda xubaha noqonaya baarlamaanka Puntland ee cusub iyo xalinta khilaafaadka kuraasta la isku haysto. Dhanka kalena uu jiro isbarbar yaac iyo is-garbin badan oo la arkayo dhinaca musharaxiinta madaxtinimadda u taagan.

Mudane Cabdiqasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne) ayaa baaqiisa ku soo koobey dhowr qodob:

1. Waxaan aad ugu hambalyeynayaa dhamaan intii is soo taagtey xilka madaxtinimadda Puntland ee 08 jan 2014, anagoo halkaas ka dheehan karna ama uga jeedna in musharax walbaa uu jecel yahay inuu Dalkiisa iyo Dadkiisaba wax u qabto. Waxaanan u rajeynayaa in musharax walbaa dariiq fiican u maro higsigiisa madaxtinimo ayadoo laga dheeraanayo waxyaalaha dadka iyo dalkaba niyad-jebinta iyo burburinta u keenaya .

2. Waxaan ugu baaqayaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Puntland inay ilaaliyaan in waqtiga Doorashadu dib uusan u dhicin iyo inay sameeyaan isu-tanaasul taas oo aynu ka wadda dheregsan nahay in ka badan 30 musharax ayaa u taagan madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxa wax dooranayana ay yihiin 66 Xildhibaan oo qaarkood aan ilaa xiligan laheyn. Sidaas darteed waxaan dhamaan musharaxiinta ka codsanayaa inay isu-tanasulaan , si tiro yar oo la dooran karo isugu soo haraan.

Musharax Cabdiqasim Moxamed Xassan (Dhagaweyne)3. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan musharaxiinta Puntland inay ilaaliyaan xasiloonida iyo nabad gelyadda , taas oo aan ogahay in ay doorashadan ay cabsi badan ka muujiyeen Shacabka Puntland ka dib markii ay arkeen Maleeshiyaad iyo Gaadiidka dagaalka oo la soo dhoobey Caasimaddii Garoowe taas oo doorashooyinkii hore aan dhici jirin , waxaanu kaloo ognahay in indhaha Walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Goboladda kale, Wadamada aynu deriska fiican nahay, AU,Arab league,UN, EU, USA iyo Caalamka kaleba ay soo eegayaan doorashada Puntland ka dhaceysa iyo inay si nabad gelyo ah ku dhacdey intaba. Waxaana wada ognahay dareenka cabsida ah ee ay ka muujiyeen iyo warbixinta ay ka soo saareen kooxda xasaradaha Caalamka (ICG), kuna baraarujiyeen Caalamka aan kor ku soo xusney ee aynu saaxiibka nahay inay isha ku hayaa waxa ka dhacaya Puntland.

4. Waxaan kale oo aan ugu baaqayaa dhamaan musharaxiinta Puntland inay u hogaansamaan hogaanka dhaqanka ee Issimadda Puntland, taas oo ah intii ay soo jirtey Puntland iyo ka horba waxaa ay halkaas iyo meel ka sareysaba ku gaareen waa hogaanka Xalaasha ah ee ay lahaayeen, waxaana marjaca shacabka Puntland nooc kasta ha ahaadee marka laga reebo Kitaabka ALLE. haddii ay dhacdo in musharaxiin tiro badani uu ka dhaxeeyo hal Issim waxaana aan ugu baaqayaa inay iyaga dhexdoodu isu-tanasulaan , haddii ay isu-tanasuliwaayaana ay Go´aanka Issimka u hogaan samaan.

Musharaxan Cabdiqasim Maxamed Xassan oo u taagan Xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee 08 jan 2014 ayaa ah Musharaxa keliya ee ay leedahay Beesha Leelkase (Tanade Daarood), wuxuuna kalsooni ka heystaa dhamaan qaybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay beesha uu ka soo jeedo. Dhanka kale hore ayaa beeshu waxay u haysey Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland kaas oo ahaa Gud. Cabdirashiid Maxamed Xirsi ilaa hadda lama oga inuu ka tanasuley iyo inuu mar kale isu soo taagi doono.

Dhamaad

RBC

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles