Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Madaxweyne Xasan Sheekh oo U Digay Dadka Ku Shaqeysta Farsameynta Dukumintiyada Been Abuurka ah

$
0
0

1Muqdisho (RBC) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad dheer ka jeediyay daahfurka dib u habeyn lagu sameeyay baasaboorka E-passport oo Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka ku shaqeysta farsameynta dukumintiyada been abuurka ah.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay suuqa Cabdalla Shideeye ee ku yaalla Bakaaraha kaasoo ah xarunta ugu weyn ee lagu farsameeyo baasaboorkii hore ee cagaarka iyo dukumintiyada kale ee ay ku jiraan kuwa dawladu bixiso.

“Wiilasha jooga Cabdalla Shideeye ee nolol ka dhigtay inay dukumintiyada been abuurka sameeyaan oo ay sidasi biilkooda ku raadsadaan, waxaan leenahay risaqada meel kale oo ka fudud Illaahay ha idinka siiyo.” ayuu yiri madaxweynaha.

“Wixii ambi ah ee aad gasheen intii hore ha idinkaga ekaato oo hadda wixii ka dambeeya meel kale wax ka raadsada.” ayuu sii raaciyey.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin in dad tiro yar noloshooda ay ku xirnaato arrin sharafta iyo karaamada dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed halis ku ah, sida uu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ku amray wasaaradaha dawlada ee ay khuseyso inay tallaabo ka qaadaan dadka ku shaqeysta alifida dukumintiyada sharci darrada ah, oo ay ku jiraan kuwa dhulalka iyo guryaha oo xitaa sababa in dagaalo ay ka dhashaan marka guryo ama dhulal sharciyo kale duwan loo sameeyay la isku qabsado.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha dawlada looga baahan yahay inay goob kasta iyo gobol kasta xafiis ka furaan si buu yiri, dadka uga maarmaan sameysashada waraaqo been abuur ah oo dib dhibaato uga keeni kara.

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles