Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Wasiirka Arrimaha Gudaha: Muddo 90 Cisho Gudahood Waxaan Soo Rogeynaa In Qofkii Aan Heysan Aqoonsi Soomaalinimo Uusan Geli Karin Wax Mucaamalo ah

$
0
0

3Muqdisho (RBC) Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta shaaca ka qaaday in saddex bilood ka dib dawlada ay soo saari doonto amar waajib ka dhigaya in qofkii aan heysan aqoonsi Soomaalinimo (National Identification) uusan geli karin wax mucaamalo ah.

Wasiirka ayaa hadalkan kasheegay munaasabad dib loogu furay xarunta cusub ee baasaboorka Soomaaliya oo dib loo dardargaliyey.

Wasiirka ayaa sheegay in qof kasta oo Soomaali ah laga rabo inuuyeesho aqoonsi dhalasho Soomaalinimo ah, ciddii aan heysana aysan wax xiriir ama mucaamalo ah aysan la yeelan karin dad kale, sida wax iibsasho ama wax iska iibin, ganacsi, heshiisyada shirkadaha, shaqooyinka, guurka iwm.

“Miudo 90 cisho gudahood waxaan soo rogi doonaa in qof kasta waajib ay ku tahay inuu leeyahay aqoonsi Soomaalinimo, qodfkii aan heysana wax mucaamalo ah uusan la geli karin cid kale.” ayuu yiri wasiirka.

TELEFOONADA GACANTA

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlay shirkadaha isgaarsiinta iyo habka dadka ay u qaataan telefoonada gacanta (mobile simcard) inay waajib uga dhigi doonaan in qof kasta oo telefoon qaadanaya laga rabo inuu buuxiyo warqad muujineysa tixraaciisa, sida meesha uu degan yahay, aqoonsigiisa iyo cida ka masuulka ah.

“Telefoonada waxay noqdeen kuwo ugu dhibka badan xagga amaanka, waxbaa lagu qarxiyaa, dad baa loogu hanjabaa, waxaan rabnaa in la diiwaangeliyo lambar kasta oo qof qaato.” ayuu yiri wasiirka.

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles