Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Federaalka oo Gaaray Deegaanadii Lagu Dagaalamay ee Sh/Hoose

$
0
0
Cxakiin Xaaji Maxamuud Fiqi

Cxakiin Xaaji Maxamuud Fiqi

Muqdisho (RBC) Wasiirka Difaaca Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo saraakiil ciidan ayaa maanta markii ugu horreysay gaaray deegaanadii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka ii ay la socdaan ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira kuwa dawlada iyo AMISOM aya socdaalkiisa ku gaaray deegaanada NO 50, No 60 iyo Shalanbood, halkaasoo odayaal iyo waxgarad uu kula kulmay.

Qaar ka mid ah deegaanadii uu sii maray wasiirka waxaa weli ku sugan maleeshiyaadkii dagaalamay oo weli hubka heysta, waxaana wasiirka uu sheegay in socdaalkiisu yahay sidii uu marka hore u kala qaadi lahaa maleeshiyaadka hubeysan iyo isbaarooyinka ay dhigeen.

“Waxaa naga go’aan inaan tallaabo ka qaadno cidii ka dhega adeygta amarada la bixiyey, isbaarooyinka iyo kooxaha hubeysan waan la dagaalamaynaa. ” ayuu yiri wasiirka oo goordhow saxaafadda gudaha uga warbixiyey socdaalkiisa.

Waxaa lagu wadaa in wasiirka uu gaaro illaa degmada Marka oo ay ku eg tahay gacan ku heynta dawlada, waxaana sida wasiirka uu sheegay dhammaan maleeshiyaadka hubeysan laga ururin doonaa gobolkan.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles