Afgooye[RBC Radio]Waxaa faah faahin ay ka soo baxaysa dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Afgooye,waxana la sheegaya khasaaraha dagaalku inuu sii kordhay.
Wararkii ugu danbeeey ee laga helayo dagaalka waxaa ay soo sheegayan in ugu yaraan 11-ruux ayaa ku dhimatay oo toddobo ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda,waxaana dagaalka uu dhex maray ciidamo kawada tirsan dowladda kuwaaso ku kala safna laba beelod oo ku dagaallamay gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalkan waxaa la sheegay in la isku adegsadey hubka cul culus,iyadoona dagaalku uu ka dhacay xoogisu dhinaca wadada aada Wanlaweyn ee la yiraahdo Mukayga.
Dagaalkan ayaa sidoo kale ku fiday deegaanno dhor ah,waxana warar ay xaqiijiyen dad goob-joogayal ah sheegeen in rasaas habow ah oo ku dhacay xaafadaha Afgooye,rasaastaso dishay saddex haween.
Sidoo kale dagaalku waxaa uu sababay inay xiranto isu socodka gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Baydhabo.
Wararku sidoo kale na soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in xaaladda degmada Afgooye ay tahay mid degan, waxaana goor dhow dib u soo laabtay isu socodkii gaadiidka ka shaqeynayay Muqisho ilaa Baydhabo.
Dagaalada ayaa wali sii socda waxana iska hor imaadka markale maantay qarxay uu ka dhigaya inan wali xal laga gaarin qaboojinta dagaallada oo u dhaxeeya labo beelod oo gobolkaas degga.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho