Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Maamulka gobolka Hiiraan oo la shiray hay’addaha samafalka

$
0
0

DSC06443Beledweyne[RBC Radio]Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay kulan ay wada qaaten hay’addaha samafalka iyo maamulka gobolka Hiiraan,waxana uu la xiriiray shirkaan sidii gar-gaar loo garsin lahaa dadkii   ku barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka kabxanleey ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu kulankaan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaana goob joog ka ahaa guddoomiyaha degmada Cabdi Bishaar Aadan, Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Kornayl Cismaan Dubad, xiriiriyaha hay’adaha samafalka ee gobolka Maxamed Faarax Sharma’arke iyo madax kale waxaan kulanka lagu lafo guray sidii hay’adaha samafalka ay kaalmo u gaarsiin lahaayeen dadka ay saameysay dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka Kabxanleey.

Guudomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Farax Laqanyo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga wada-hadllay sida ugu macquulsan ee dadkii ku barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka kabxanleey ee gobolka Hiiraan gar-gaar loo garsinlahaa.
Laqanyo waxaa uu inta ku daray in la isla gartay in sida ugu dhaqso badan loo gaari lahaa dadka xilligaan dagaallada ku barakacay wax loo garsinlaha.

Dagaallada ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay inay ku barakaceen dad kor u dhaafaya boqollaal ruux.
_____
RBC Radio
Xafiiska Beledweyne

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles