Muqdisho[RBC Radio] Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lugu soo bandhigay Baasaboorada cusub oo Soomaaliya ay yeellanayso.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeyb galay xafladii Daah-Furka Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, islamarkaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan.
Xaflad daah-fur ah oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalka ku wehliyey Madaxweynaha, ku-simaha wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiiro, Xildhibaanno, diblomaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood, Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamud Axmed Nur (Tarzan) iyo ka soo qeybgalayaal fara badan. Xafladan ayaa lagu daahfurayey Baasaboorka cusub (E-passport), oo ah mid casri ah oo caalamku ictiraafsanyahay.
General Gaafow ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub oo uu sheegay in hadda waxii ka danbeeya aan la bixin karin baasaboor cusub oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali. General Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Tarzan ayaa sheegay inay diyaariyeen xafiiskii diiwaangelinta oo casriyeysan, islamarkaana uu shaqsi walba xaq u leeyahay in loo sameeyo dokumentiyada muhiimka ah. Suuqa Cabdalla Shideeya waa laga maarmayaa oo dokumentiyadan ma aha kuwo been abuur lagu sameyn karo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isna sheegay in dokumentiyadan muhiimka ah ay wax weyn ka tarayaan amniga dalka oo qof walba uu yeelanayo warqadda aqoonsiga oo caddeyneysa shaqsiga, islamarkaana telefoonada iyo dhammaan hay’adaha dowligu ay isticmaali doonaan waraaqahaas.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey xafladda daah-furka ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim u ah dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri,
“Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, islamarkaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo degmooyinka dalka. Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn caalamka. Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay sameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya Soomalinamada.”
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho