Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Cabasho ka soo yeeraysa Kalluumaysata gobolka Bari

$
0
0
Cabasho ka soo yeeraysa Kalluumaysatada gobolka Bari

Cabasho ka soo yeeraysa Kalluumaysatada gobolka Bari

Kulule[RBC Radio]Waxaa ay cabasho xooggan ka soo yeeraysa Kalluumaysatada ku kalluumaysata xaabaha gobolka Bari,kuwaaso sheegay in mudo uu hakad  ku jiray Kalluumaysigooda.

Kalluumaysatadan waxaa ay ka cabanayaan  agab la’aan baaxad leh oo haysata, taas oo dib u dhigtay howlihii shaqo ee ay wateen,sida ay sheegeen.

Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed oo ka mid ah kalluumaystada deegaanka Kulule ee gobolka Bari  ayaa warbaahin guddaha u sheegay in wali dhibaato xooggan ay haysato Kalluumaysatada ku nool xeebaha gobolka Bari.

“Mudo wax Kalluumaysi ah lagama sameyn xeebaha gobolka Bari,gaar ahaana  deegaanka Kulule,waxana jirto baahi weyn oo loo qabo  agabka Kalluumaysi”ayuu yiri Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed.

Sidoo kale Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed,waxaa uu soo hadal qaaday  in duufaantii dhowaan ku dhufutay xeebaha ay saamayn adag ku reebtay, dadkii ka kalluumaysan jirtay xeebaha kaddib markii qalabkii ay  ka bur burisay.

Deegaanka xilligaan cabashada xooga leh ay ka soo yeerayso ee  Kulule,waxaa ay  hoostaga degmada Bender-bayla ee gobolka Karkaar,waxaana la sheegay inay  dhibaato baaxad leh waxaa ku reebtay duufaanta Tropical Strom, kalluumaysatada ayaa qalab badan ku waayey duufaanta xeebaha.

Ugu danbeyntii Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed, oo sii hadlaya waxaa uu baaq ku diray cid kasta oo gacan qaban karta Kalluumaysatada inay soo garab qabtaan,maadamaa aysan wax shaqo ah qabsan in muda ah,isagoona inta ku daray dalab uu u diray hay’adaha gargaarka iyo dowladda Puntland inay qaadaan talaabo gargaar lagu gaarsiinayo dadka u baahan ee deegaanka jooga, isagoo ka codsaday hay’addaha inay qalabka ka taageeraan.
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles