Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Cali Xaaji: Go’aankeena ugu Dambeeya waxaan ku wareejinaynaa Isimada Puntland.

$
0
0

caliGaroowe (RBC RADIO) Musharax Cali Xaaji Warsame oo ah Afhayeenka Musharaxiinta Puntland ayaa mar uu u waramayay goor dhow Idaacada Daljir wuxuu sheegay in ay Go’aan midaysan gaareen kaasi oo wax tar iyo farxadba gelin doona Umada Puntland Go’aankaasina ay u gacan gelin doonaan Isimada Puntland iyadoo qorshuh Musharaxiintu uu yahay in la helaa Doorasho Xor ah Xalaalna ay ku ku jirto.

“Anaga waxaan u soconaa sidii ay Dooraho xalaal ah ku dhici lahayd waxaa soo dhawaaday xiligii doorashada dadku waxay ka dhur sugayaan maxay Musharaxiintu oran doonaan sidaa darteed waxaa si duub duub ah Go’aankeena ugu wareejinaynaa Isimada inagoo Go’aankaasi u qaadanay kadib markii aanu eegnay in Dhinaca kale ee Dowlada aysan meeshooda kasoo dhaqaaqayn oo taladu ay kaligeen nagu ekaatay dad badan oo aqoon yahanno ahna  ay nala kulmeen nagana codsadeen inaan nabadgelyada adkeynteeda ilaalino sidaa ayaanu isku afgaranay isimada ayaana ku wareejinaynaa.

Cali Xaaji Warsame ayaa ka gaabsaday in Saxaafada uu usoo gudbiyo Go’aanka ay qaateen wuxuuse ku celiyay mar kale in dhanka wanaagsan ay raaceen Musharaxiinta ayna kali ku noqdeen ka hadalka xalka ugu dambeeya ee khliaafaadkan ragaaday laga qaadan karo isagoo ula jeeday dhanka Dowlada in Mowqifkii ay istaagtay aysan kasoo damcin dantuna ay ku qasabtay Musharaxiintu in ay go’aan cad qaataan Isimadana u gudbiyaan.

Hadalka Musharaxa ayaa laga dhadhan sankaraa in Musharaxiintu ay qaateen codsiyadii kala duwanaa ee loosoo gudbiyay kaasi oo ahaa in ay tanasulaan sharciga u hogaansamaan Doorashadana ay ka qayb galaan Maadaama uu Musharxu yiri waxaan Go’aansanay in Doorashadu ayan Dib u dhicin Si nabadgelyo ahna ay ku dhacdo ayaa iftiiminaysa in Musharaxintu qaateen Go’aan ay bulshadu ay u aragto mid maslaxadeed soo dhawaynna mudan hadiiba uu noqdo mid tanasulaad ah Maadaama ay Puntland ku jirto xaalad Xasaasi ah.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles