Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Maxamed Xirsi Ducaale oo isu soo sharxay kursiga 2baad ee madaxtinimada Puntland.

$
0
0

DSC00799

Garoowe (RBC RADIO) Mudane Maxamed Xirsi ducaale oo horay usoo ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa Maanta ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland isagoo sheegay in is bedel xoog leh uu ka keeni doono gobolada Sool iyo Cayn hadii xilkaasi uu ku guuleysto uuna ka sahqayn doono nabadaynta iyo Dib u habaynta Goboladaasi.

“ waxa ugu horeeya oo aan samaynayo waxa weeye   inaan ka shaqeeyo dib usoo Celinta Gobolada ka maqan Puntland si Nabadgelyo ah Goboladaasi oo ay Sool ka mid tahay meeshana ka saari doono is maandhaafka u dhexeeya dadka dega Goboladaasi iyo Puntland,waxaan xooga saari doonaa Arimaha Nabadgelyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo Hormar kasta kaalin ayaan ka cayaari doonaa waana hirgelin doonaa himiladayda hadaan xilkaas haleelo ayuu yiri Musharaxu.

Musharax Maxamed xirsi ducaale oo horay usoo ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Puntland wax badan oo hormarka Caafimaadka laga gaarayna kaalin kasoo qaatay ayaa dad badan waxay tilmaameen markuu isu soo sharxay kadib in uu u qalmo in xilkan loo dhiibo iyadoo uu meesha ka saari karo mugdiga kujira in gobolada Sool iyo Cayn ay ka tirsan yihiin Puntland.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles