Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Dhaaqaatiir u dhalatay dalka Siiriya ee ka badbaadey weerar lugu qaaday oo Muqdisho ka ambabaxay[Sawirro]

$
0
0
Dhaqaatirtii Siiriyaanka ahaayd oo ka dhoofay Muqdisho

Dhaqaatirtii Siiriyaanka ahaayd oo ka dhoofay Muqdisho

Muqdisho[RBC Radio]Magaalada caasumada ah ee Muqdisho waxaa maanta ka ambabaxay dhaaqaatiir u dhalatay dalka Siiriya  oo ka badbaaday  weerarkii dhawaan lagu dilay dhaqaatiir u dhalatay dalkaasi,waxana sii ambabixiyey dhaqaatir Soomaaliyed.

C/raxmaan Macalin Fiqi oo ah agaasimaha Isbitaalka Fiqi Hospital oo ay ka howlgali jireen dhaqaatirti la dilay iyo kuw maanta ka dhoofay Muqdisha ayaa xaqiijiyey  in ay sagootiyeen laba dhaqtar oo u dhalatay dalka Siiriya, kuwaa oo ka bad baaday weerarkii Khamiistii la soo dhaafay lagu qaaday dhaqaatiirtaasi Suuriyaanka ah oo laga dilay 3 dhaqtar,  halka mid ka mid ah uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi.

“Maanta waxaan sa gootinay dhaqaatirtii ka badbaadey weerarkii lugu qaaday oo ay ku dhinteen dhaqaatir kale oo Siiriyaan ah,arrintas mid an ka xumeen ayey ahaayd,balse hadda Muqdisho way ka dhoofen dibna halkii ay ugu yimaaden bay ku laabten”ayuu yiri DR Fiqi.

Sidoo kale waxaa isna saxaafadda dhankiisa la hadlay Dr Maahir Xuseen oo ka mid ah dhaqaatiirta u dhalatay dalka Suuriya  kana  howlgali jiray isbitaalka Fiqi,waxaana uu sheegay in ujeedad ay u yimaaden ay tahay  Soomaaliya sidii ay u caawin lahaayeen walaalahoda u baahan howlaha caafimaad,balse waxaa uu sheegay in arrin iyaga cabsi galisay aynan u joojin doonin taageeridi caafimaad ee ay sin jireen dadka Soomaaliyed.

“Soomaaliya waxaan u nimid caawinta dadka Soomaaliyed oo an ugu tala galney inan u  gurmano haddii nalugu dhibaateeyay nama cabsi galineyso,  balse waxan ku raja weynahay inan  dalka  ku soo noqon doonno oo  an sii wadno  adeegyada caafimaad ee an u haynay shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Dr Maahir Xuseen oo ka mid ah dhaqaatiirta u dhalatay dalka Suuriya.

1

Dhaqaatirtaan u dhalatay dalka Siiraya ayaa inay ka baxaan Soomaaliya waxaa ka danbeeyey kaddib markii Khamiistii la soo dhaafay lagu weeraray gaari ay wateen dhaqaatiir   oo marayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarka lugu qaaday dhaqaatirtan ayaa waxaa ku geeriyoodeen 3 dhaqaatiir oo u dhalatay dalka Suuriya iyo dhaqtar Soomaali ah, halka mid ka mid ah dhaqaatiirta u dhalatay dalka Suuriya uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi.

2 3 4 5 6 7

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles