Addis Ababa (RBC) Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia dib ugu laabtay wafdi Urur Goboleedka IGAD ay u direen caasimada Koonfurta Suudaan ee Jubba.
Wafdigan ayaa dalka Koonfurta Suudaan u tagay si ay dhexdhexaadin uga dhex sameeyaan labada garab ee dagaalka uu ka dhex qarxay ee isku haya wadankaasi. Dagaalkaasoo bilawday ka dib markii afgembi lagu doonayey in madaxweyne Silva Kir lagu rido uu fashilmay usbuucii hore.
Wafdigan ayaan la ogeyn waxa ay dhab ahaan kala soo kulmeen saacadihii u dambeeyay dhinacyada ay la kulmeen, waxaana soo laabashadooda ay ku soo aadeysa xilli ay dib u bilawdeen dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamada labada beelood ee ugu tirada badan waankaasi eek ala ah Dinka iyo Nuwer oo isku haya talada wadanka.
Wafdiga IGAD waxaa ka mid ahayd wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana intii ay joogeen magaalada Jubba ay la kulmeen madaxweynaha Sikva Kiir oo qabiilka Dinka ka soo jeeda iyo haweeneydii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore John Gran oo iyadana lagu magacaab Rebecca Gran taasoo ka soo jeeda qabiilka Nuwer ahna hogaamiye wax ka abaabuleysa xiisadaha ka jira wadanka.
Wafdiga Urur Goboleedka IGAD ayaa la rajeynayaa inay warbixin siiyaan madaxda sare ee IGAD iyo dawladaha ku jira IGAD ayna talooyin ka dhiibaan sidii loo xallin lahaa arrinta ka taagan Koonfurta Suudaan oo ah wadanka dunida ugu cusub oo hadda colaad sokeeye lugaha la galay.
RBCRadio