Muqdisho (RBC) Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay iskuday ay sheegeen in koox gaar ah ku dooneyso inay ku farageliso hawlaha ciyaaraha ee tartanka caasimadaha ee qaarada Bariga iyo bartamaha Afrika iyadoo aan lala socodsiinin Xiriirka Kubbadda Koleyga.
Shir ay isugu yimaadeen gudiga Fulinta ee Xiriirka Kubbada Koleyga oo khadka isgaarsiinta uu kaga qeybgalay Gudoomiyaha XSKK C/laahi Nuur Cadaani oo dalka dibadiisa ku sugan ayaa looga doodey arinta tartankaasi caasimadaha bariga iyo
bartamaha Afrika iyadoo la sheegay in Xiriirka uu aad usoo dhoweynayo la shaqeynta Zone 5 ee hormarinta kubbada koleyga.
Shirkan ayaa laga soo saaray qodobo iyo go’aamo ilaa 6 qodob ka kooban oo ku socda bahda KK ee zone 5 iyadoo amarna lagu siinayey Xoghayaha Xiriirka Kubbada Koleyga si uu aqbaarta u gaarsiiyo madaxda ay khuseyso.
Hoos ka eeg go’aankii Gudiga Fulinta ee XSKK ee uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha: