Hargeysa [RBC Radio] Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID ee ka hawlgala ismaamul goboleedka Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday warqad uu dhowaan udiray madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay inuu wax ka qabto colaaaha qabiilka ku saleysan ee ka oogan deegaano ka mid ah gobollada koonfurta ee dalka, gaar ahaan Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
“Waxaan u sheegay oo aan ku iri waxay dhaawacaysaa lixdii qoiob ee himilada dawladaada ahaa. Waxaan kaloo u sheegay waxay niyad ku beereysaa taageeradii ay idinla daba taagnaayeen xubnaha beesha caalamka.” Ayuu yiri Feysal oo ka hadlay xiriirka Somaluland iyo Dawlada Federaalka ah waqtigan.
Wuxuu sheegay in dagaalada beeleed haddii ay sii socdaan inay caqabad ku noqon karaan dhaqaaqa dawlada Muwdisho, ayna anuuri doonto in bulshada caalamka ee hadda taageerta dawlada inay dib uga joogsadaan.
“Mida kale waxaan madaxweynaha u sheegay in maamul sameynta la leeyahay maamulo ayaa qabiilo dhisayaan inaysan taasi sax ahayn,maamul waxaa dhisa waa dawlad.” Ayuu sii raaciyey.
Feysal Cali Waraabe ayaa dhinaca kale maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo wuxuu ku booriyey inaysan indhaha ka laaban dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho ka socda, isagoo sheegay inay khalad tahay in arrimaha Soomaaliya iyo Dawlada Federaalka la xiriira loo arko kuwo aan saameyn ku lahayn deegaanada Somaliland.
Feysal Cali Waraabe wuxuu kaloo ka dhawaajiyey in wada hadallada u socday Dawlada Federaalka iyo maamulka Somaliland ay yihiin kuwo markii horaba lagu qasbay maamulka Hargeysa oo Dawlada Ingiriiska ay si qasab ah ku ogoleysiisay maamulka Somaliland inay la fariistaan Dawlada Federaalka ah, laakiin uu yiri wax weyn ayaa laga faa’iday.
Mar uu ka hadlay siyaasadda maamulka Siilaanyo ee ku aadan aqoonsi u raadinta Somaliland inuu ku fashilmay aqoonsiga, dad bandan oo reer Somaliland ahna ay ka hadlayaan in laga qeybgalo Dawlada Federaalka Soomaaliya.
_________
RBC Radio