Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

R/Wasaare C/weli Sheekh: Xukuumadda Aan Soo Wado Way Ka Tiro Badnaan Doontaa Tii Iga Horreysay

$
0
0

Somalia PM Abdiwali SH Ahmed (1)Muqdisho (RBC) Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisi doono ay ka badnaan doonaan wasiiradii hore.

Raysal wasaaraha oo shalay heley ansixinta aqlabiyadda baarlamaanka ayaa caddeyay in wasiiradiisa xagga tirada ay ka badnaan doonaan haseyeeshee uu ku dadaali doono inay noqdaan wasiirada kuwo waxqabad leh.

Waxaa jira hadalheyn ka imaaneysa qaar ka mid ah golaha baarlamaanka oo ku baaqay inaan xukuumadda cusub laga qeybgalin wasiiradii hore, arrintaasi oo illaa hadda aan dhanna u dhicin.

Mar uu ka hadlay raysal wasaaraha cusub in mudanayaasha baarlamaanka ay ku jiri doonaan wasiirada cusub ayuu sheegay inaysan jirin cid ka reeban inay ka mid noqoto xukuumadda dhowaan iman doonta.

“Xukuumadda Aan Soo Wado Way Ka Tiro Badnaa doontaa xukuumadii Iga Horreysay” ayuu yiri raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles