Afgooye (RBC) War goordhow naga soo gaaeay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyooyin ku wada sugnaa halkaasi ay dagaal iskala hor yimaadeen.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii maleeshiyo hubeysan oo qaab qabiil u abaabulan ay weerareen xaafada Mukeyga oo ah taallo isbaaro baabuurta lacagta looga qaado taasoo ay joogaan maleeshiyo kale oo ciidamada dawlada ka tirsan.
Dhawaqa rasaasta ayaa weli laga maqlayaa goobta, waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka halkaasi mari jiray maadaama wadada halkaasi marta ay isku xirto Muqdisho illaa gobollada Baay iyo Bakool.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo weli socda