Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

DEG DEG:Qarax khasaare geestay oo ka dhacay Gaalkacyo

$
0
0

raxanreeb_degdeg342 (1)Gaalkacyo[RBC Radio]Waxaa goor dhawed qarax lugu sheegay inuu ahaa bam gacameed lugu weeraray koon-toroolka koonfured ee magaalada Gaalkacyo.

Koon-toroolka koonfured ee magaalada Gaalkacyo  waxaa gacanta ku haya ciidamo ka tirsan Puntland,waxaana la sheegaya bamka lugu weeraray inuu dhaliyey khasaare isgu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay Raxanreeb Online u xaqiijiyen saraakisha caafimadka iyo maamulka degmad Gaalkacyo,waxaa qaraxa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ciidamada ku sugna koon-toroolka,sidoo kale askari kale ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Cabdi Cismaan Faarax(Ciiro) guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo oo Raxanreeb,la hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bam gacmeed lugu soo tuuray koontoroolka,xilli ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada uu ah,waxana uu caddeyey inuu hal askari dhintay mid kalana uu dhaawac yahay oo xilligaan xaaladdisa lugu dabiibayo Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

“Qarax baa caawa lugu tooray koontoroolka koonfured ee Gaalkacyo oo ay ku suganyihiin ciidamada amniga ee Puntland,bam-gacmed buu ahaa qaraxuu,hal askari baa ku dhintay askari kalana wuu dhaawacmay,balse xilligaan xaaladdisa waxaa lugu dabiibaya Isbitaalka guud ee Gaalkacyo,waana uu roonyahay hadda”ayuu yiri Ciiri duq ku-xigeenka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ma sheegin guddoomiye ku-xigeenka in cid loo qabtay qaraxaan,balse waxaa uu sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira cidii ka danbeysay qaraxaan,mana jirto cid wali sheegatay mas’uuliyada qaraxaan.

Si kastab ha noqote bam-gacmedka caawa lugu weeraray koontoroolka koonfured ee magaalada Gaalkacyo,waxaa uu ku soo aadaya xilli mudooyinkii danbe ammaanka magaalada uu ahaa mid wanagsan.
_______
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles