Muqdisho[RBC Radio]Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lugu biiriyey xildhibaan cusub oo ka mid noqon doonna xildhibaanada Soomaaliya.
Xildhibaanada xilligaan ka mid noqdey baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay buuxin doonan boosas ay ka geeryooden xildhibaano horey ugu tirsana baarlamaanka.
Sida lugu sheegay war ka soo baxay guddoonka baarlamaanka,waxaa maanta baarlamaanka cusub lagu daray hal-xildhibaan oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Cilmi Koosaar, kaas oo la sheegay inuu bedelay xildhibaan laga dilay Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Feysal.
Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xildhibaanka cusub ee maanta ka mid noqdey baarlamaanka ayaa sheegey inuu soo dhaweynayo maadamaa xildhibaan hore uu badalay,waxana uu kula dar daarmay inuu noqdo mid howl kar ah oo shaqada xildhibaanada guta.
Sidoo kale guddoomiye Jawaari,waxaa uu sheegay in xildhibaana Sheekh Axmed Cilmi Koosaar looga baahanyahay inuu raaco sharciyada u deggan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey waxaa loogu soo kordhiyey wajiyo cusub oo badalaya xildhibaano geeryodey iyo kuwo siyaabo kala duwan ugu tagay ka mid noqoshada baarlamaanka.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho