Garoowe (RBC RADIO) Sida uu inoo Xaqiijiyay Tifaftiraha Guud ee Tvga iyo Idaacada Puntland Cabdi Qani C/laahi Aadan (Irbad) waxaa saacadu markay ku beegnayd 9:oo Galabnimo ee Maanta si toos ah barnaamijadiisa iyo wararkiisa si toos ah u bilaabay PuntlandTV oo si tijaabo ah hawada ugu jiray Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaana Tvga uu xarumo ku kala leeyahay Puntland Koonfurta Soomaliya Kenya Uk iyo meelo kale iyadoo wali ay socoto Hormarinta TVga iyo kusoo kordhinta Barnaamijyo xiiso xambaarsan.
C/Qani C/laahi Aadan (Irbad) oo Shir saxaafadeed ku qabtay Xarunta TVga wuxuu sheegay in Qorshohooda ugu muhiimsan ay tahay in dadka Reer Puntland ay helaan barnaamijyo dhexdhexaad ah kana turjumaya hormarka iyo baraaraha ka jira Puntland iyo Soomaliya inteeda kaleba wuxuuna sheegay in ay u hawlgali doonaan si hufan oo firfircooni sida uu Tifaftiruhu sheegay.
Hoos kadhagayso Codka Tifaftiraha PuntlandTV C/qani Irbad.
Soo daynta Wararka iyo Barnaamijada TVga Puntland ayaa ahaa mid si wayn loo dhawrayay iyadoo in mudo ahba uu si tijaabo ah hawada ugu jiray dadkuna ay is weydiinayeen xikiga uu sida tooska ah u hawl galayo iyadoo dhawaanna uu Madaxweynaha Puntland xariga ka jaray TV lOcal ah oo laga daawan doono Caasimada Gobolad kalena la gaarsiin doono.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.