Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Dacwah Deg Deg ah: TABCASHADA XALAASHA AH

$
0
0

Dacwah NewsXafiiska Dacwada Raxanreeb Online: SH Barbaraawi oo kamid culumada Soomaaliyeed ayaa dhawaan waxa uu bilaabay daruus taxane ah oo uu magac daray TABCASHADA XALAASHA ah.

SH Barbaraawi ayaa daruusta ku qaadaa dhigay Islaamka sida uu u dhiiri galiyey in si xalaal ah loo tabcado aduunyada inta la joogo.

Shiikha oo ka hadlayaana waxa uu yiri

” Tabcashada Islaamka waxa uu u yeelay xuduud waxaabaha qaarkood uu saamaxay oo uu fasaxay in laga shaqeysto, waxyaabaha qaarkoodna oo uu mamnuucay oo uu diiday”

SH Barbaraawi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri.

“Islaamka aadaabta iyo akhlaaqda wanaagsan ee uu u yeelay tabcashada aduunyada inta la joogo iyo waxyaabaha dhaqan xumada ah ee tabcsahada dadka qaarkood dhex socda Islaamka oo uu diiday dadka muslimiinta uu ka fogeeyey ee wuu kala dagaalamay”

SH Barbaraawi daruusta ku saabsan TABCASHADA XALAASHA ayaa waxa uu kaga hadlay sida baaxada weyn leh ee Islaamka uu dhiirigaliyey in xalaal loo tabcado iyo fadliga ay leedahay waxa uu kaloo darsiga 1aad kaga hadlay SH Barbaraawi cawaaqib xumada ay leedahay qofkii ka gaabaya iyo dhibaatooyinka soo gaaraya Diintiisa, Dadnimadiisa iyo Aakhiradiisaba.

Halkaan hoose ka daawo afarta qeybood ee uu SH Barbaraawi Rabi Haka Abaal Mariyee ka diyaariyey mawduuca waxtarka weyn u leh umada Islaamka.

Qeybta 1aad barnaamijka TABCASHADA XALAASHA.

Qeybta 2aad barnaamijka TABCASHADA XALAASHA.

Qeybta 3aad barnaamijka TABCASHADA XALAASHA.

Qeybta 4aad barnaamijka TABCASHADA XALAASHA.

Xafiiska Dacwada
Raxanreeb Online

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles