Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

DEG DEG: RW Cabdiweli Sh Axmed oo Sheegay In Amniga uu ugu Horreynsiin Doono Shaqadiisa

$
0
0

Muqdisho (RBC) Raysal wasaaraha cusub ee jamhuuriyada Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo goordhow ay ansixiyeen xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay waxa uu ugu horreeya ee ay xukuumadiisu qaban doonto.

Raysal wasaaraha oo helay 239 mudane oo codka kalsoonida ay siiyeen kulankii baarlamaanka oo ay fadhiyeen 243mudane ayaa sheegay in ugu horreyn uu wax ka qaban doono amaanka dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in laga sifeyn dooni dalka goobaha ay kaga harsan yihiin Al Shabaab, isla markaana xasilinta gobollada dalka la sii wadi doono.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in hub ka dhigis laga bilaabi doono guud ahaan, shacabkana laga qaadi doono hibka sharci darrada ah ee farahooda ku jira.

C/weli Sheekh Axmed ayaa khudbadiisa ugu horreysa ee uu maanta ka jeediyey baarlamaanka ku ballanqaaday in xukuumadiisa ay ku sifoobi doonto wada shaqeyna, isla markaana hay’adaha dawlada ay noqon doonaan kuwo isku xiran.

Dhinaciisa madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagoo hadlayey waxyar ka hor ansixinta raysal wasaaraha ayaa sheegay in raysal wasaare C/weli Sheekh uu kala soo dhex baxay illaa 70 musharrax oo soodalbaday xilka, uuna rajeynsyo inuu xilkan ka soo bixi doono.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles