Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

FAAHFAAHIN: Qaabkii Ay u Dhacday Codka Kalsooni Siinta Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya

$
0
0

Cweli SheekhMuqdisho (RBC) Kulanka baarlamaanka ee maanta codka loogu qaadayey raysal wasaaraha cusub ayaa bilawday abaare 11:00 barqanimo iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa guddoominayey afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana sida guddoomiyuhu sheegay kulanka uu u furmay 243 mudane oo fadhiga maanta soo xaadiray.

Afhayeenka baarlamaanka oo shirka furay ayaa sheegay in ajendaha uu yahay ansixinta raysal wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed ay labaduba fadhiyeen kulanka maanta.

Afhayeen Jawaari ayaa markii uu sharaxay ajendaha iyo nidaamka hawsha u socon doonto ka dib, wuxuu cod baahiyaha ku soo dhoweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka xogwaramay hawshii laga soo maray magacaabista raysal wasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa sheegay in illaa 70 musharax oo isugu jira rag iyo dumar Soomaaliyeed ay isu soo taageen qabashada xilka wasiirka koowaad ee dalka, isaguna uu ka qabtay waraaqahooda codsiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu dambeyntii uu si shakhsi shahksi ah ula kulmay 20 musharrax kuwaasi oo uu mid mid uga wareystay taariikhdooda iyo waxqabadka ay la damacsan yihiin dalka iyo dadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh aya sheegay in isagoo og waqtiga iyo baaxada hawsha u taalla dawlada uu xushay raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed oo uu sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu dhameystiri doono hawshii ay ka tagtay xukuumaddii hore.

Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan raggii iyo dumarkii isu soo sharaxay xilka wasiirka koowaad.

Khudbadda madaxweynaha kadib ayaa shir guddoonka baarlamaanka waxaa uu u yeeray raysal wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed, wuxuuna jeediyey khudbad uu ku weydiisay mudanayaasha inay codka ku taageeraan.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu helo aqlabiyada baarlamaanka uu ku dhaqaaqi doono wax ka qabashada amaanka dalka, wuxuuna caddeeyay inuu xasiloonida soocelin doono uuna la dagaalami doono argagixisada, gobollada dalkana laga sifeyn doono Al Shabaab.

Mar uu ka hadlayay amaanka gudaha wuxuu sheegay inuusan ogolaan doonin maleeshiyo beeleedyo hub heysta uuna ku dhaqaaqi doono hub ka dhigis ballaaran, lana sifeyn doono kooxaha burcada ah ee waddooyinka isbaarooyinka dhigta.

C/weli Sheekh Axmed ayaa ballanqaaday in wada shaqeybta hay’adaha dawlada uu ku dadaali doono uuna xaqiijin doono in dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed uu soo laabto, lana helo kalsooni shacabka ku qabaan dalkooda.

U codeynta raysal wasaaraha cusub

Baarlamaanka ayaa markaa ka dib gudagalay in cod gacantaag ah loo qaado raysal wasaaraha cusub, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada codka oo ahayd sidan;-

- 243 Mudane ayaa soo xaadirtay kulanka maanta

- 239 Mudane ayaa ogolaatay raysal wasaraha cusub

- 2 mudane ayaa diiday

- 2 mudane ayaa ka aamustay.

Guddoonka baarlamaanka ayaa markii uu codka dhamaaday ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu yahay Raysal wasaaraha rasmiga ahee dalka uuna waajib dastuuri ah ka saaran yahay hogaaminta xukuumadda dalka.

Waxaa hoolka baarlamaanka isqabsaday sacab iyo soo dhoweynta raysal wasaaraha cusub, waxaana raysal wasaaraha cusub gacanqaaday madaxweynaha iyo xubno ka mid ah baarlamaanka kuwaasi oo isla markiiba u hambalyeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ku soo laabtay cod baahiyaha ayaa u mahadceliyey mudanayaasja baarlamaanka oo uu sheegay inay ka aqbaleen codsigii uu saaka u soo gudbiyey, wuxuuna madaxweynuhu guul iyo waxqabad u rajeeyay raysal wasaaraha cusub iyo xukuumadda uu keeni doono taasoo markale mari doonta baarlamaanka.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles