Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

XOG: Musharaxiinta Puntland oo u dhaw in ay tanasulaan

$
0
0

1126

(Garoowe RBC RADIO) Warar hoose oo Raxan-reeb Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Musharaxiinta Puntland ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan in ay ka tanasuleen go’aankii ay ka qaateen in uu shaqeeyo gudiga uu soo magacaabay maaxweyne Faroole kadib markii Musharaxiinta qaar ay arintaasi soo jeediyeen halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen si uusan khilaafkooda u muuqanna waxay ku dhawaaqi doonaan in ay tanasuleen sida uu inoo sheegay mid kamid ah Musharaxiinta.

Musharaxan oo ka mid ah raga  ugu culculus masuuliyiinta isu soo taaktay xilkan ayaa inoo xaqiijiyay in shalayto galab lagu shiray Guriga Cali Cabdi Awaare kulakaasina ay Goob joog ahaayeen xildhibaanadii hore oo 5 gaaraya kuwaasi oo soo laabtay waxaana hogaaminayay Gudoomiyihii hore Baaralaamnka Puntland Mudane C/Rashiid Maxamed Xirsi waxaana kulan culus uu dhex maray Xildhibaanadaasi iyo dhamaan Musharaxiinta iyadoo meel wanaagsan wadahadalka leysugu keenay qodobo muhiim ahna leysku afgartay.

Masuulkan ayaa raxan-Reeb sidoo kale u sheegay in Galabnimada Maanta ah guriga Cali Cabdi Awaare ay ku kulmi doonaan Musharaxiinta Idil ahaan Gudiga khilaafaadka ee uu Madaxweyne faroole Magacaabay iyo xildhibaanadan wada hadalka wada si Musharaxiinta loo tuso in ragan ay yihiin kuwo daacad ah oo aan u xaglunayn madaxweynaha shaqadoodana ay ku egtahay oo qura markii ay soo xulaan 66ka xildhibaan ee noqon doona Baarlamaanka Puntland ee Cusub.

Musharaxan oo aan ka gaabsanayno inaan magaciisa Xusno wuxuu inoo xaqiijiyay in Musharaxiinta meel walba lagala soo hadlay lagana codsaday in dalka ay u tanasulaan joojiyaanna mindi mindi ku taaga kana doortaan in dal udug ama Puntland uusan wax dhibaato ah ka dhicin sida uu hadalka u dhigay Masuulkaasi.

Maalmihi ugu dambeeyey waxaa la hadal hayay in Musharaxiintu ay is bedel samayn doonaan kana laaban doonaan Go’aankooda kadib markii khilaafkii dhacay kadib uu shirar kala duwan u socday Musharaxiinta o Idil ayna jireen dad u badan Aqoon yahano Isimo ganacsato waday ukala dab qaadid 2dhinac ah si meel wacan leysugu yimaado,inkastoo Musharaxiintu dabceen sida wararku nagu soo gaarayaan hadana waxaa macquul ah in tanasulaadoodu ay shuruudo usii dheeraadaan.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles