Muqdisho (RBC) Waxa goordhow xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilawday kulankii ay yeelanayeen maanta xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ay ku doonayaan in codka kalsoonida ugu qaadaan raysal wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed.
Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka guddoominaya ayaa goordhow sheegay in tiro 205 mudane ah ay soo gaareen hoolka shirkuna uu sidaas ku furmay.
Waxaa kulanka uu ku bilaaban doonaa ka hadalka ajendaha maanta ee kulanka baarlamaanka oo horey loogu sii sheegay mudanayaasha.
Waxaa dhinaca kale goordhow la filayaa in hoolka ay soo gaaraan raysal wasaaraha magacaaban C/weli Sheekh Axmed iyo madaxweynaha oo ka hadli doona magacaabista raysal wasaaraha cusub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baarlamaanka wuxuu ka codsan doonaa inay codka kalsoonida siiyaan raysal wasaaraha cusub.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa isla maanta codka kalsoonida u qaadi doona raysal wasaaraha cusub inkastoo waqtiga uu galay gelin dambe, rasal wasaaraha cusubna uu ka hadli doona hoolka baarlamaanka.
RBC Radio