Garoowe (RBC RADIO) Taariikhdu markay ku beegnayd 20-12-2013 waxaa Casho Sharaf Culimada Puntland qaasatan gudiga gurmadka Duufaanadii ka dhacay Puntland u qaabilsan oo uu hogaaminayo Sheekh Maxamuud Xaaji yuusuf oo ay wehliyaan Sheekh Axmed Daad iyo sheekh C/qani Qorane iyo Culimo kale ugu sameeyeen Wafdigii ka yimi Gobolka banaadir ee waday Deeqda Lacagta ah ee gaareesay ( Laba boqol oo kun oo Doollar) waxaana sidoo kale Casho sharaftan kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socotay rugta ganacsiga Puntland, Aqoonyahano iyo ganacsatada Gobolka, Kulankan wuxuu ahaa mid loogu duceynayay Dadka ku dhaqan gobolka Banaadir iyo Maamulkoodaba kadib markii ay soo direen lacagtii ugu badnayd ee lasoo gaarsiiyo gudiga gurmadka ee Culimada Puntland.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka ee Culimada Puntland oo cashada kadib hadal kooban jeediyay wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Kaalinta ay qaateen bulshada Banaadir ku dhaqan iyo Maamulkooda wuxuuna sheekhu sheegay hadii Wafdigan ay tagaan ay Quluubtaka wada socon doonaan ayna yihiin mar walba dad is jecel isu gurmada, wadaagana Diin Dhaqan iyo Afba ahna dad wada dhashay oo aan sina ku kala maarmin wuxuuna sheekhu mar kale ku celshay in lacagtii ay keeneen Wafigan sidii ay u rabeen dadka dhibaateysan wax loogu qaban doono xoolona loogu gadi doono.
Mudane iimaan Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo Xaflada soo xiray wuxuu sheegay xiligii ay usoo socdeen Puntland ay aaminsanaanyeen fikir balse markii ay magaalada Garoowe yimaadeen ay fikir kaloo duwan heleen dadkuna ay walaalo yihiin, wuxuu ka mahadcelshay sida wacan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada garoowe ayna tahay taariikh aysan ilaawi doonin, wuxuu kaloo sheegay in Gobolka banaadir ay ku casumeen in ay ugu yimaadaan Gudoomiye yaasha Gobolada Puntland iyo maayaradooda si is dhex gal iyo isbarasho loo sameeyo, wuxuu kaloo sheegay in Deeqdan kaliya aysan ku ekaan doonine ay macquul tahay in deeqo kale ay soo gaarsiiyaan Puntland.
Kulankan Casho sharafta ah ayaa kusoo Idlaaday jawi wacan waxaana suuro gal ah in Xiliyada soo aadan ay ka amba baxaan Gudigan Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaana sii sagootin doona Culimada Puntland oo Hawshan si weyn isugu xilsaaray.
Xafiiska
Gudiga Gurmadka
Culimada Puntland.
____________________
Baahin RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.