Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Xasan Sheekh: Dagaal Beeleedyada Dalka Ka Socda Waa Dawlad Diidnimo, Beel Beel Kale Ka Adkaan Kartana Ma Jirto

$
0
0

mm-xasan-Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Dawlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad uu ka jeediyey munaasabad loogu dabaaldegayey 70guurada ka soo wareegatay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa kaga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, oo ay ka mid yihiin dagaalo beeleedyada dalka ka socda.

Madaxweynaha oo si kulul xalay uga hadlay colaad beeleedyada ayaa ku sifeeyay dagaalo beeleedyada iyo dadka wada inay yihiin kuwo dawlad diid ah, ujeedada ay ka leeyihiina ay tahay in lagu fashiliyo dawlada hadda jirta.

“Dagaalo beeleedyada dalka ka socda waa dawlad diidnimo, dadka wadaana waa dawlad diid. Ma ahan ujeedo kale ee waa uun in dawlada hadda jirta iyo nidaamka dawliga ah lagu fashiliyo.” ayuu yiri madaxweynaha.

“Ujeedada waxa kale ma ahan waa in godkii dadka Soomaaliyeed ay ku dheceen ee mudada dheer ku jireen aysan ka soo bixin oo cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday dib loogu celiyo.” ayuu sii raaciyey.

BEEL BEEL KA ADKAAN KARTA MA JIRTO

Madaxweynaha oo marale si adag uga hadlayey colaada ay beelaha qaarkood ka bilaabeen gobollada dalka ayaa ka digay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka ku lugta leh colaadaasi.

“Beel beel kale ka adkaan karta ma jirto, beel beel kale deegaan ka barakicin karta ma jirto, beel beel kale u dawladeyn karta ma jirto.  Dawlada Soomaaliyeedna beel ay gaar uga jeceshay ama uga dhow beelaha kalana ma jirto.” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in dadka wada colaad beeleedyada ay had iyo jeer ku gabadaan magaca qabiilada, isagoo sheegay in xitaa tuugada dadka dhaca iyo kuwa isbaarooyinka dhigta ay qabiilo salka la galaan.

“Magacii qabiilka ayaa wuxuu noqday meel ninkii xumaan wada uu ku dhuunto, meel ay tuugada ku gabadaa, oo kii tuugga ahaa markii la yiraahdo hala soo qabto, la yiaarhdo maya, maya,.. waan fahamnay waxa loo jeedo waa REER HEBEL!”. ayuu sii raaciyey.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka sameysantay beelo isu tagay oo magaca SOOMAALIYA wada qaatay, isla markaana ay been tahay in beelo gaar ah ay dawlada is lahaysiiyeen, ayna rabaan in beelaha kale ay ku dulmiyaan, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin cid kasta oo fashil ku heysa nabadda iyo dawladnimada dalka.

HUBKA BEELO BADAN AYAA HEYSTA

Madaxweynuhu wuxuu si cad u sheegay in hub fara badan uu ku jiro gacanta qabiilada, oo xitaa gaadiidka dagaalka [tiknikada] ee looga qeybqaato dagaalada beeleeha u dhexeeya uu yahay mid qabiilada ay leeyihiin, laakiin mararka qaar lagu sheegayo mid ay dawladu leedahay.

Wuxuuna madaxweynaha wacad ku maray in dawladu ay hubka oo dhan ka qaadan doonto maleeshiyooyinka qabiilada ayna qasab ku soo celin doonto amniga dalka.

HOOYOOYINKA IYO AABAYAASHA HA CESHADAAN WIILASHOODA

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wacad ku maray in dil toogasho ah ay ku fulin doonaan nin kasta oo lagu arko waddooyinka isagoo isbaaro dhiganaya, ama ku jira afal lidi ku ah amniga iyo dawlada, wuxuuna u digay waalidiinta dhalay dhalinyaro beeleedyada hubeysan.

“Aabayaasha Soomaaliteedow iyo hooyooyinka qiimaha lahow hadda wiilashiina ceshada oo jidka ka leexiya, haddii kale beri marka la qabto oo la toogto yaanu idiin noqon qiil fiican oo reerka ka tirsanaa oo la jeclaa.” ayuu yiri madaxweynaha.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles