Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul ugu hadlay,jid-gooyooyinka wali yaalla Muqdisho iyo gobollada dalka,waxana uu sheegay in xilligaan an loo dul qaadan doonin cid danbe oo jid-gooye dhigata.
Xassan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu amar ku bixiyey in wax laga qabto dadka wali jid-gooyadu u taallo,waxana uu inta ku daray in dadka jid-gooyada dhigtay ay yihiin kuwo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed, dowladduna aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka shacabka lagu hayo.
“Dowladdu waa ay ka soo dhamaatay inay u dulqaadato jid-gooye lugu dhibaateyo shacabka ,waxaana u sheegena dadka ay jid-gooyooyinka u yaallaan Muqdisho iyo gobollada dalka haddii la arko xukunkooda wuxuu noqonayaa dil toogasho ah,waxaana sidoo kale ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha ay jid-gooyooyinka dhigteen iyo deegaannada ka fog-fog intaba,waxaa kalo ay caqabad ku yihiin ganacsiga dalka”ayuu yiri madaxweynaha.
Ciidanka Soomaaliyed qeybahooda kala gadisan ayuu madaxweynu u sheegay in xilligaan loo bahan yahay inay qaadan tallo muuqata oo ay kaga hortagayaan dhibaata ay shacabka kala kulmaan dadka dhigta jid-gooyoyinka.
Dhinaca kale madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabad lugu xusayey ciidanka booliska Soomaaliyed oo uu khudbad ka jeediyey,waxaa uu ku soo qaaday dagaallo beeleedyo ka socda gobollada ka tirsan koonfurta Soomaaliya qaarkood,waxana uu dagaallada ka sheegay inay yihiin kuwo wax badan u dhimay hana qaadkii dowladnimo ee dalka,isagoona intaa ku daray inaysan u dul-qaadan doonin dowladdu sii socoshada dagaallada habka beeleed ku saleysan.
“Waxbadan ayey u dhimeen dowladnimadi dalka ka hana qaadeysay,dagaal beeladyada qeybo ka mid ah gobollada dalka ka dhacaya,waxaana arrinta ka leeyahay oo an idin xaqiijinaya in dagaallo beeleedyo aan loo dulqaadan doonin, ciidamada dagaallada isaga soo horjeedana la kala qaado”ayuu soo qaday madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh,waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday ciidamada dowladda ee la sheegay inay dagaalladaas ku saleysan beelaha ka qaybgaleen,waxaana uu beeniyey in arrintaas ay tahay been abuur an waxba ka jirin,waxana uu inta ku daray inay hadalkaa uu yahay mid lugu doonayo in Soomaaliya mar kale cunno-qabteyntii hubka ee horay looga qaaday lagu celiyo, sidoo kalena lagu dilo sumcadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaabn1994@gmail.com
RBC Radio