Nairobi[RBC Radio]Hay’adda Qaramaada Midoobay u qaabilsan bini’aadanimada ee UNOCHA,ayaa soo sartay war-bixin ay ugu hadlayso saameeynta ay reebeen dagaallada qabaa’ileeda ku salaysan ee ka dhacaya dalalka Kenya, Somalia, Koofurta Sudan iyo Sudan.
War-bixinta waxaa lugu sheegay in dagaallada ka dhacay dalalka Afrika ku yaalla ay sababeen inay barakacaan inka badan 100,000 ruux,kuwaaso ka cararaya goobaha ay dagaaladu ka socdaan iyagoona u barakacaya goobaha nabdoon ee ka ag dhow.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay UNOCHA,waxaa lugu sheegay inay jiraan dad kumaanan gaarayo oo an heysan nolal ku filaan,xilligaana ku dayacan goobo kala gadisan.
“Dad kumaanan gaaraya ayaa goobo badan ku dayacan,waana kuwo ka cararay halkii ay ku noolayen oo ay ku qabsatey dagaalada qabaa’ileeda ku salaysan,waxana ay hadda u baahanyihiin raashiin, hooy iyo biyo kuwaasi oo ay saameeyay dhibaatooyinka ka taagan Somalia, Sudan, koofurta Sudan, koofurta Darfur, iyo galbeedka gobolka Kordofan”sidaasi ayaa lagu yiri war kasoo baxay hayada UNOCHA.
War laga soo xigtay hay’adda qaabilsan arrimaha aadanaha ee UNOCHA,waxaa lugu sheegat in ku dhawad 15 ruux ay dhinteen, halka inka badan 40,000 ruux dad lagu qiyaasay la aaminsan yahay inay ka gudbeen dhanka xuduuda Ethiopia, iyagoo ka qaxay qalalaasaha dhacay.
War-bixinta ka soo baxday UNOCHA, waxaa sidoo kale looga hadlay dagaallo ka dhacay guddaha Soomaaliya gaar ahaana deegaanno ku abtirsada Puntland waxana la sheegay bishii lasoo dhaafay ee November qalalaasihii ka dhacay magaalada Talex inay ku dhintay 7 ruux iyadoo in ka badan ay ku dhaawacmeen,wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ku dhawad 9.000 ruux ay ka barakaceen dagaaladaasi.
UNOCHA,waxaa ay war-bixinteeda ku soo xirtay in loo bahan yahay inay beesha caalamka indha dheer ku eegan arrimaha xilligaan ka jira dalalka Kenya, Somalia, Koofurta Sudan iyo Sudan.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio